TEKNOLOJIYADA

Shirkadda Facebook oo ay soo foodsaartay cilladdii ugu waynayd taariikhda

“Waxaan ka war qabnaa in dadka qaar ka mid ah aysan hadda isticmaali karin Facebook iyo App-ka ay isku bahda yihiin” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Facebook.

“Waxaan ka shaqaynaynaa sidii ciladdan loo soo af jari lahaa sida ugu dhakhso badan”.

Shirkadda oo ka jawaabaysa warar la isla dhex maray oo sheegaya in shirkaddu ay adeegga u joojisay si ay u baajiso weerar dhanka Internetka ah oo lagu soo qaaday, ayaa sheegtay in arrintu aysan sidaas ahayn.

Ciladdu baaxad intee la eg ayay leedahay?

Waxaa la qiyaasayaa in cilladani ay billaabatay 16:00 GMT ama 7:00 fiidnimo ee saacadda Bariga Afrika.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala Facebook ayaana billaabay in ay ka cawdaan in aysan waxba ku qori karin ama sawirro dadka la wadaagi karin.

Dadka Instagram-ka isticmaala ayaa iyaguna awoodi waayay in ay bogga cusboonaysiistaan si ay sawirro cusub u arkaan.

BBC

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid