ARIMAHA BULSHADA

Bulsho ay raggeedu qabtaan howsha dumarka

Bulshada Awramba ee ku nool dalka Itoobiya ayaa noqotay bulshada keli ah ee dhaqan ahaan u qaadatay ragga iyo dumarka iney xuquuq siman leeyihiin, shaqadana ay u siman yihiin. Mar haddii aad bulshadaasi ka mid tahay ma jirto wax la yirahdo shaqo rag iyo shaqo dumar howl walba si siman ayaa loo qabanayaa.

Birtukaan Kibret iyo Tirusew Baante waxay ku dhasheen kuna soo barbaareen bulshada Awraamba oo dhaqan ahaan u qaatay sinnaanta jinsiga.

Bulshada Awraamba waxaa aasaasay oo iisu keenay Zumraa Nuuruu sanadka marka uu ahaa 1964-kii, Wuxuuna Zumraa dalxiisayaasha uu u sharraxayaa bulshadan waxa ay kaga duwan tahay bulshooyinka kale ee ku nool dalka Itoobiya intiisa kale.

Zumraa Nuuruu wuxuu bulshadan ku sheegay iney tahay “bulsha dhaqan ahaan u qaadatay Caddaalad, Sinnaan, Isixtiraam, Imaqal iyo Iisu dulqaadasho.”

Qof bulshada Awraamba ka tirsan marka uu subixi hurdada ka soo tooso wuxuu qabanayaa shaqa kasta oo taallo haddey ahaan lahayd in qureec la diyaariyo, in guriga la xaaqo ama la masaxo, in alaabta la meyro iwm.

Shaqa kasta oo taalla inta qof ee guriga ku nool si siman ayey u qaybsanayaan iyada oo aan jinsi loo eegeyn shaqadana loo siman yahay.

Birtukaan iyo Tirusew waxay bulshadan u xilsaartay cid kasta oo dalxiis iyo iney dhaqankooda wax ka ogaato ugu timaaddo iney horkacayan wixi xog ah ee ay u baahan yihiinna ay si hufan u siiyaan, balse waxay wariyaha BBC ee la kulmay u sheegeen shaqadi guriga ee ay saaka ku qornaayeenna iney mar hore soo qabteen.

Bulshada Awraamba waxyaabaha ay ku soo caan baxday waxaa ka mid ah iney jirin shaqa jinsi gaar ah loo nisbeeyo oo wuxuu si buuxda dhaqankooda uu uga soo horjeedaa ‘shaqa dumar’ ama ‘shaqa rag’ wax la kala yirahdo.

Sida oo kale bulshadaasi waxay u siman yihiin waxbarashada oo ragga iyo dumarka waa iney si siman wax u bartaan, sida oo kale shirarka lagaga hadlayo danaha bulshadaasina dumarka tira ragga la siman ayey kaga soo qayb galayaan iyaga oo weliba cod iyo hoggaaminba ku leh shirkaasi.

Birtukaan waxay aaminsan tahay marka ay canjeero dubeyso inuu ninkeeda suuga uu kariyo oo keli ah ay ahayn sinnaanta jinsiga balse arrinta ugu muhiimsan waxaa weeye “dumarka fikirkooda sida loo tixgelinayo iyo wax kasta oo ay dumarka ka maqan yihiin iney bulshadaasi dhexdeeda meel mar ka noqoneyn.”

Bulshooyinka kale intooda badan danihiisa gaarka ah ayuu ka hormarinayaa danaha bulshada uu la nool yahay, basle Bulshada Awraamba wax aad adigu gaar u leedahay malaha wax walba waa la wada leeyahay.

“Aniga arrintaa ima quseyso wax la yirahdo ma jiraan, qof walba shaqada dhinaciisa ayuu ka qabanayaa aqoonta uu leeyahayna wuxuu la wadaagayaa bulshada inteeda kale oo isaga iskuma koobaya.”

Sida uu dhigayo dhaqanka bulshadaasi qofka marka ay da’diisu gaarto 18 jir ayuu shaqa billaabayaa sida dhar tolidda, sameynta agabka guriyaha looga dhaqmo, qof walbana shaqada uu qabanayo mas’uuliyad u gaar ah oo kaga aaddan lagalana xisaabtamo ayaa loo dhiibayaa iyada oo aqoontiisa iyo kartidiisa loo eegaya oo aan jinsi loo eegeyn.

“Tan kale malahan qof madax ah iyo qof la amrayo midna oo bulshada oo dhan waa ay siman tahay, qofki xil loo dhiibana bulshada dhexdeeda waxaa looga yaqaanna qof dhibban oo xil bulsho lagu culeysiyey.”

Gebeyaa Mekonnin waxay ka tirsan tahay bulshadan, waxayna sheegeysaa bulshada Awraambaa iney tahay bulsha nabadda ay sal dhigatay.

Laba qof haddii ay ismaandhafaan dhaqanka bulshadaasi wuxuu ku qasbayaa iney degdeg iisu cafiyaan, haddii khilaafkooda uu weynaadana si nabad ah ayaa khilaafkooda lagu dhameeynayaa.

“Beenta, Xumaanta iyo wax kasta oo aan wanaagsaneyn ee aan rabin in aniga la igu sameeyo cid kale in lagu sameeyo ma oggaalanayo bulshada oo dhanna waa ila mid” ayey tiri.

Bulshada Awraamba maxaa laga sheegaa?

Hab noolaleedka bulshada waxaa u jideeyey oo baray ayna iska soo dhaxlayeen nidaamka uu u dejiyey Zumraa. Bulshada oo dhaqankeeda ay dad badan aad ula dhaceen oo ay si weyn u soo dhaweeyeen haddana waxaa jira qaar kale oo dhaleeceeya oo yirahda waa bulsha istakoortay.

Xilliyadan dambana waxaa aad u sii kordhaya dadka daneeya iney soo arkaan hab noolaleedka bulshadan oo dal iyo dibadba ka imanaya.

Waxaana si gaar ah u daneeya dalxiisayaasha, cilmi baarayaasha iyo ardayda jaamacadaha oo inta badan aan laga waayin.

Gabayaa waxay sheegtay “ciddi na weydiisa dhaqanka aan leennahay ama dooneyso iney bulshadan wax ka ogaato jawaabta aan siinno waxaa weeye wax walba ficil ahaan iney ku tusaan qof walbana isaga oo qanacsan uu ka tago.”

Yaa ka mid noqon kara Bulshada Awramba?

Cid walba oo diyaar u ah iney u hoggaansato shuruucda iyo nidaamka ay dejisatay bulshada Awraamba wuu ka mid noqon karaa.

Xubin ka tirsan bulshada marka uu u safro meel ka baxsan deegaanka ay bulshadaasi ku nooshahay waxay la kulmaan dhibaatooyin iyaga oo la qabsan waayo noolasha bulshooyinka kale.

Kindiye oo bulshadan ka tirsan ayaa wuxuu sheegayaa “mar uu safar ku tagay deegaan kale oo uu xanuunsaday beertiisa wuu qodan waayey cid u qoddana ma helin haddii laakiin aan bulshada Awraamba dhexdeeda ku xanuunsan lahaa beerteyda aniga oo aan cidna kaalma weydiisan bulshada ayaa ii qodi lahayd maadaamaa uu jiro guddi u qaabilsan caawinta qofka caawinta u baahan.”

“Bulshadina uu la qabsan waayey sidaana uu isaga soo tagay oo uu dib ugu soo noqday bulshadiisa.”

ka soo qaybgalka shirarka wadatashiga beesha Awraamba da’ kuma xirna

Kulammada iyo Go’aannada ka soo baxaba si ay bulshada dhan uga qayb qaadato qodobba loo dhan yahayna ay uga soo baxaan qoys weliba 15 maalmood ayuu si gooni gooni ah uu uga wada hadlayaan.

Qoys kastana go’aankiisa ayuu shirka loo dhan yahay ku soo bandhigayaa, fikirka qofka uu soo jeedinayana waxaa lagu tijaabinayaa inuu ficil ahaan uu u muujiyo.

“Carruurta xataa waxay xaq u leeyihiin wixi quseeya qoyskooda iney waaliddiintooda kala hadlaan oo ay fikirkoodana dhiibtaan xaq iney u leeyihiin ayaa lagu soo tarbiyeynayaa.” ayuu yiri Zumraa Nuuruu.

“Waxaanna aaminsannahay ayuu yiri dadka ilaahey rag iyo dumarba si siman ayuu ka dhigay marka uu abuurayey inaan anaga kala sarreysiinna iney khalad tahay.”

Zumraa “wuxuu bulshadiisa uu ku tilmaamay bulsho caddaalad iyo sinaan caada ka dhigatay”.

BBC

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid