XIRIIRKA IYO GUURKA

Haddii ay noocaan tahay gabadha aad xiriirka la leedahay waad nasiib badantahay

Helitaan haweeney kalgacayl leh waa riyada nin kasta. Haweenka qaarkood uma qalmaan waqtigaaga.

Raggu waa kuwa raba haweenka wax kasta u sameeya sida saxda ah. Haweeney mar kasta qeylineysa ma ahan mid kugu habboon.

Haddii gabadha xiriirka aad la leedahay ay noocaan tahay, isku arag inaad tahay ninka adduunka ugu nasiibka badan.

  1. Way ku raali gelisaa marka ay qalad kaa gasho

Bini aadamka inuu cafiyo qaladka waa wax wanaagsan. Waa wax iska caadi ah in qof uu qalad kaa galo balse waa inaad barataa sida loo cafiyo xaaskaaga/seygaaga.

Waad u baahantahay haweeney ku raaligelisa marka ay qalad kaa gasho. Haweeneyda wanaagsan waa mid mar kasta ku oran doontaa “waanka xumahay” marka ay qalad kaa gasho ama waxaad dhibsato  kugu sameyso.

  1. Way ku xushmeysaa

Xushmadu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee xiriirka kasta. Xushmad la’aan lama wada joogi Karin guurna ma jiri karo.

Waxaad u baahantahay haweeney kugu xushmeysa xiriirka. Waligaa waqti ha iskaga lumen la haasaawidda qofaan diyaar u ahayn inuu ku xushmeeyo

Xiriir aad la yeelato qofaan ku xushmeyn ugu dambeyn waa mid kugu reebaya qalbi jab.

  1. Waxay kaa qeyb gelisaa qorsheyaasheeda

Qorsheynta waxay ka mid tahay dhinacyada ugu muhiimsan nolosha. Qorshe la’aanta waxay fashilineysaa noloshaada.

Haddii aad hesho haweeney kaala tashata dhammaan qorsheyaasheeda, waxaa tahay nin ugu nasiibka badan adduunka.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid