XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Arrimood Oo Ay Tahay In Haweeney Waliba Oo Xaas Ah Ay Hadda Joojiso

Intabadan xaasaska waa kuwo sameeya waxyaabaha aan hoos ku xusnay waana mid aad muuhim u ah inay joojiyaan.

Inaad waxyaabahan sameyso kaama dhigayaan inaad tahay xaas xun balse guurkaaga dartiis, waa muhiim inaad joojiso.

Hoos ka akhriso 5 waxyaabood oo xaas kasta ay u baahantahay inay hadda joojiso.

  1. Haka diidin inuu ku caawiyo

Xaasaska badankood waxay isku dayaan in wax iyaga sameeyaan ayagoo diida in la caawiyo xitta marka ay caawin u baahanyihiin. Arrintaan ayaa waxay dhacdaa mar kasta maxaa yeelay xaasaska badankood waxay aaminsanyihiin in raggooda ay ogaadaan waxay rabaan iyo marka ay rabaan balse taas suutagal ma ahanmaahan. Weydiiso inuu ku caawiyo.

  1. Hasoo bandhigin cilladihiisa

Waxaa la arkaa xaasas badan oo taas sameeya waana qalad. Isbar in cilladaha seygaaga uu leeyahay aadan la wadaagin bulshada, uma wanaagsana guurkaaga. Markaad bulshada u sheegto cilladaha seygaaga ma eegayaan dhiniciisa wanaagsan taasoo aad ogtahay iyagoo arkaya dhinaciisa xun ee aad usoo bandhigtay adiga.

  1. Inaadan daacad ka noqon dareenkaaga

Xaas kasta waa inay barataa sida daacad looga noqdo dareenkooda. Inaad wax qarsato waa mid halis u ah guurkaaga. Haddii ay kula xumaan wax uu sameeyay seygaaga, baro inaad kala hadasho si deganaan ay ku dheehan tahay intaas iska dhigi lahayd qofaan dhib qabin oo wanaagsan adigoo aanan wanaagsaneyn.

Ma ogaan karyo inuu sameeyay wax xun haddii aadan u sheegin, waa inaad fahamtaa in wadahadal degan uu yahay fure. Daacad ka noqo dareenkaaga, hana qeylin.

  1. Baahiyahaaga inaad dib mariso

Waxaa la rabaa in mar dhif ah aad nafta u hurto isla markaana baahiyahaaga aad dib mariso balse taasi waa inaysan noqon waxaad mar walba sameyso.

  1. Usheegidda seygaaga inaadan u baahneyn

Dhib malahan waxa dhaca ama si kasta oo aad u careysantahay, inaad ku tiraahdo ninkaaga kuuma baahni ma ahan wado la maro. Seygaaga wuxuu rabaa inuu garab kuu ahaa isla markaana uu noqdo mid mar walba kuu heelan, sidaa darteed wuxuu doonayaa inuu dareemo rabitaan. Tusi ninkaaga inaad aad ugu baahantahay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid