Wax ka ogoow 3 waxyaabood oo muhiim ah kahor intaadan guursan

Haddii aad ka fekereyso inaad qaado tallaabo aad ku guursaneyso, waxaa jira waxyaabo aas aasi ah oo aad u baahantahay inaad ka ogaato guurka kahor intaadan haa dhicin.
Waa kuwaan 3 waxyaabood oo muhiim ah oo ay tahay inaad ogaato kahor intaadan guursan.
Kuma guuleysan kartid muran kasta
Haddii aad jeceshahay ku guuleysiga muran kasta, diyaar uma tihid guur. Si aad guurka uga dhigto mid shaqeeya, waxaad u baahantahay inaad garato inaadan ku guuleysan Karin muran kasta oo idin dhex mara adiga iyo xaaskaaga/ninkaaga.
Waxaad loo baahanyahay inaad tanaasusho isla markaana midba kan kale uu u duqlqaato si guurka u shaqeeyo. Haddii aadan diyaar u ahayn inaad dulqaato oo aad tanaasusho,fadlan diyaar umaihid inaad guursato.
Dhaqaalaha waa muhiim
Badanaa furiinka waxaa sababa arrimo la xiriira dhaqaale sidaa darteed waxaa u bahantahay inaad fahamto in dhaqaalaha uu muhiim yahay haddii aad rabtid inaad guursato.
Daraasad ayaa cadeysay in lamaanaha todobaadkii ku murma dhaqalaha ay u badantahay inay isfuraan marka loo eego lamaanayaasha kale ee dhaqaalaha bishii ku murma.
Tani waxay ku tusineysaa sida dhaqaalaha uu muhiim ugu yahay guurka. Sidaa darteed kahor intaadan guur ka fekerin , waxaa muhiim ah in lamaanahaaga aad arrimaha dhaqaalaha kala hadasho.
- Ammaan lamaanahaaga
Tani waa mid loo baahanyahay inaad ogaato kahor intaadan ka baaraan deign guur. Si guurka u shaqeeyo, lamaanayaasha waa in midba kan kale uu amaanaa.
Waa inaad diyaar u noqotaa in lamaanahaaga aad ka caawiso dareemidda inay qiimo leedahay.
Sidoo kale waa inaadan saaxiibadaa, qoyskaaga iyo dadka kale la wadaagin ciladaha ay qabto.