Wax Badan Ka Ogoow Dhiigga Maskaxda Ku Furma Ama Ka Xirma (Stroke)

Dhiiga maskaxda ku furma ee Stroke ga loo yaaqaano waxa uu dhacaa marka ay qarxaan xididada maskaxda ama marka ay xirmaan xidada maskaxda,
Dilaaca iyo xanibaada ku imaadey xidida maskaxda ayaa sababa in uu dhiig uu ku furmo maskaxda ayna qayb maskaxda kamid ah ay waydo oksijiintii iyo dhiigii ay ku shaqayn jirtey,
dabadeedna wax ku siman daqiiqad ay dhintaan unugyadii dhiiga iyo oksijiintu ay gaari waayeen,
CALAAMADAHA KA SOO MUUQDA QOFKA
Marka ay qarxaan xidada maskaxda ama ay xirmaan xidadu waxaa dhimanaya qayb maskaxda kamid ah,
Dhimashadaas maskaxda qayb kamid ah ayaa sababeysa in uu qofku uu waayo shaqada qaybtaas dhimatey ay jirka u qaban jirtey, calaamadaha ugu horeyn qofka ka soo muuqanaya waxaa kamid ah,
– paralysis oo ah dhinac jirka kamid ah in uu dego ama qalalo,
– kabuubyo gacanta, wejiga, iyo lugta, gaar ahaan dhinac jirka kamid ah ubadan.
– dhibaatooyinka hadalka ah ama fahamka hadalka ah
– wareer ama dawakhaad.
-tarsaasi hadalka ah.
-araga oo yaraada ama labo labo u. muuqdaan wax kasta.
-socodka oo dhiba qofka.
-isku dheeli tirnaanta jirka oo yaraata.
– madax xanuun daran, madax xanuun lama filaan ah oo aan la garaneynin.
– Qalal ama suuxdin iyo kooma
– matag iyo lalabo
– naqaska oo kugu dhaga
Hadii aad calaamadahan qayb kamid ah isku aragto ama qof kale aad ku aragto waxay u baahan tahay daryeel caafimaad oo degdeg ah. Fadlan wac 911 oo u yeero Ambalaas ku qaada isla markiiba.
Daaweynta degdeg ah ayaa fure u ah kahortaga natiijooyinkan ka dhasha xanuunkan ee ah
– maskaxda oo dhaawacanta.
– paralis ama dhinac jirka kamid ah oo qalala.
– ama Dhimasho toos ah.
MAXAA SABABA XANUUNKAN?
In xididada maskaxda ay xirmaan waxaa sababa xinjir isku goysa xididka dhexdiisa taas oo joojisa qulqulkii dhiiga ee gaari lahaa maskaxda qaybaheeda sidaasna ay qaybtaasi howl gab ku noqoto,
Sidoo kale ku furanka dhiiga maskaxda waxaa kale oo sababa in dilaac ku yimaado xididada maskaxda qayb kamid ah kadib dhiigii xididkaas uu ku daato maskaxda qaybtii xididkaasi dhiiga gayn jireyna ay dhiig waydo sidaasna ay ku dhimato qaybtaasi,
QOFKEE QATAR UGU JIRA IN UU KU DHACO XANUUNKAN?
– Dadka cuntada cusbada badan cuna,
– Dadka baruurta badan ama dufanka badan cuna,
– Dadka aan jimicsiga sameyn,
Dadka sigaarka,tubaakada,taabuuga,Shiishada, iyo qamriga caba iyo dhamaan daroogada oo dhan sida xashiishka iyo qaadka,
-dadka waalidiintood uu ku dhacay xanuunkan ayaa iyagana uu ku dhici karaa,
– Dadka qababa xanuunada sida Dhiikarka,Sonkoroowga, kolostaroolka iyo xanuunada wadnaha ku dhaca ayaa qatar ugu jira xanuunkan in uu ku dhaco,
SIDEE LOO DAAWEEYAA XANUUNKAN?
In la daaweeyo xanuunkan waxa ay ku xiran sida hadba dhakhtarka uu uga soo gaaro bukaanka hadii lala soo daaho bukaanka waxaa dhici karta dhibaatada xanuunkan in ay badato,
In la daaweeyo xanuunkana waxay ku xirantahay nooca sababey Stroke gan
Hadii uu yahay mid ka yimid nooca ah in ay xanibnaan ama isxiraan xididada maskaxda dhakhtarku waxa uu la tacaalayaa bukaanka isaga oo siinaya daawooyinka kuwooda ka hortaga ama baabi’iya xinjirowga kadibna qaliin ayuu u sameynayaam
Hadiise Stroke gu yahay nooca ah qarax ama dilaacitaan ku yimid maskaxda dhakhtarku markiiba waxa uu isku dayayaa in uu siiyo daawooyinka xinjirowga sameeyo si dhiiga loo joojiyo kadibna qaliin ayuu u sameynayaa.
Waxaana howshaan qaban kara dhakhtar ku takhasusey oo ma ahan mid qof caadi ah la tacaali karo mana qaadan kartid ama ma siin kartid qof xaaladaan ku sugan hadii aadan cilmi ulahayn aadan ogeyna nooca stroke ga ee haya qofkan.
SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA XANUUNKAN?
-iska jooji sigaarka dhamaan maan dooriyiyaasha.
-iska yaree cusbada
-iska yaree cunitaanka baruurta
– hadii aad cayilantahay miisaankaada dhin
– hadii waalidiintaa uu ku dhacay xanuunkan fadlan si gooni ah u taxadar oo iska ilaali dhamaan waxyaalahaas mar walbana dhakhtarka booqo hadii aad 40 sano gaartey.
-hadii aad dhiikar qabto iska koontorool dhiigaada oo la soco waayo waxa ugu badan xididada maskaxda qarxiya waa cadaadiska dhiiga oo kor u kaca.
– hadii aad Sonkoroow ama macaan qabto iska koontorool mar walba.
Iska yaree fakarka badan iyo isla hadalka ama streska.
Hadii aad tilmaamahan raacdo waxaad ka hortegtey in uu kugu dhaco xanuunkan
W/Q: Dr Mohamed Amen