XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Siyaabood oo qeylada iyo hadal-xumada looga dhaafo seygaaga si jacaylku u koro

Xaas qeylo badan waxay noqon kartaa qodax ku taagan jirkaaga. Waxaa jira waxyaabo badan oo aad weyn doonto haddii aadan qeylada ka dhaafin lamaankaaga.

Waxaa jiraan waxyaabo dhowr ah oo ay tahay inaad iska ilaaliso haddii aad rabto inaad noqoto qof nolosha farxad ku hela.

Qaar kamid ah waxyaabaha yar yar ee aad sameyneysay ayaa dhaawici kara lamaankaaga adigoo aanan ogeyn.

Waa kuwaan 3 hab oo lagu joojiyo inaad ku qeyliso seygaaga si jacaylka ubax oo kale ugu baxo.

  1. Isdaji

Aamsunaanta waa mid kamid ah qaababka la iskaga ilaaliyo inaad ku qeyliso nin aad jeceshahay ama seygaaga.

Hadalka badan mar kasta waa mid aanan nuxur lahayn. Kaliya hadal marka ay jiraan waxyaabo muhiim ah oo u baahan in laga hadlo ama quseeya xiriirka.

Haweeney qeylo iyo cabasho badan marnaba kama farxiso nin.

  1. Ka tag markaad murantaan

Qaabka aad u xakameyso muranada quseeya xiriirka waa kuwo aad muhiim u ah. Waxaad u baahantahay inaad barato habka loo dhaqmo marka ay jiraan waxyaabo ka qaldan xiriirka.

Inaad ka tagtid inta lagu guda jiro muranka kulul waxay noqon kartaa mid kamid ah hababka ugu wanaagsan ee la iskaga ilaaliyo inaad noqoto xaas qeylo badan.

  1. Mar kasta ismashquuli

Qofka shaqo la’aanta ah ayaa ah kan mar walba ku qeyliya lamaantiisa/lamaankiisa. Raadso waxyaabo ku mashquuli kara sida shaqo iyo Wixii lamid ah.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid