XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Sabab oo haweenku u jecelyihiin inay guursadaan ragga waaweyn

Waan ogahay waxaad dareemeyso marka haweeneydii riyadaada ahayd ay doorato inay guursato nin oday ah iyadoo ay jirto inaad adiga wali jeceshahay.

Run ahaantii ragga waaweyn waa kuwo mar walba soo jiita haweenka balse su’aasha ayaa ah maxay haweenka u xiiseeyaan ragga waaweyn?

Hoos kaga bogo.

  1. Si wanaagsan ayay haweenka ula dhaqmaan

Mid kamid ah sababaha ay haweenka u jecelyihiin ragga ka waaweyn  ayaa ah waxay haweenka ula dhaqmaan si wanaagsan.

Ragga waaweyn waa kuwo fahamsan wanaagga haweenka sababtoo ah waa kuwo muddo dheer la joogay isla markaana fahmi kara dareenkooda.

  1. Waa kuwo haweenka ku qaata cilladahooda

Halka ragga yar yar ay daneeyaan haweenka muuqaalkooda ama sida ay u egyihiin, ragga waaweyn ma ahan kuwo intabadan arrintaas haweenka ka eega, waa kuwo ku qaata cilladahooda.

  1. Waa kuwo dhaqaale ahaan degan

Haweenku waa jecelyihiin ragga dhaqaale ahaan deggan ama isku filan waana mid kamid ah sababaha ay u guursadaan ragga waaweyn.

Halka ragga yar yar ay iminka dhisanayaan mustaqbal ama shaqooyin isla markaana isku dayayaan inay saldhigtaan, ragga waaweyn waa kuwo goor hore xirfado ama shaqooyin sameystay isla markaana dhaqaale ahaan wanaagsan.

  1. Waa waxgarad

Nin aanan wax garad ahayn waa mid ay haweenka ka cararaan wayna ogyihiin inay helayaan nin wanaagsan oo waxgarad ah marka ay guursadaan ragga ka waaweeyn, waana taas sababta ay haweenka u doorbidaan ragga ka waaweyn.

  1. Waa kuwo uu xiriirka ka go’anyahay

Ragga waa weyn intabadan waa kuwo ay ka go’antahay xiriirka marka la eego ragga yar yar oo intabadan haweenka xiriir ula yeesho arrimo gaar ah.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid