HEESAHA QORAALKA AH
Heesta Qamar ee Fanaanka Maxamed BK oo qoraal ah (Akhriso)

Jacayl waa qadiimiyoo
qarnigii kastee jira
waa laga qadariyaa
qalbigaygu tuu rabay
daymadaydu qaaday
waabay qab wayntoo
igu qaadh warkaygu
markaan qamar xasuustaba
qarka noo dhaxeeyiyo
quruxdeeda gaarka ah
qalbigaan ka ooyaa
hadaan qeexo sheekada
qaxariyo dhibaatada
dookhaygii qaabilay
qarni way ka badantee
hadii aan qisoodoo
arin igu qadhaadhiyo
dib u qaado caashaqan
marbaan qiiro dheeriyo
riyo aan qorshaystiyo
hami aan qaaayoo
amaanteeda qaadaa
Xuquuqda qoraalka waxaa iskleh Masuul.