CAAFIMAADKA

Haddii aad sameysid waxyaabahan isbedel ayaad ka dareemi doontaa caafimaadkaaga

Qofka bini aadamka ah waxaa muhiim ah u ah inuu sameeyo waxyaabaha muhiimka u ah caafimaadka isla markaana uu qaato cunnooyinka faa’idada u leh jirka.

Waxaa sidoo kale qofka laga doonayaa inuu iska ilaaliyo waxyaabaha halista u keenya caafimaadka.

  1. Jooji sigaar cabista ama shiishad

Malaayiin ruux ayaa dunida ugu dhinta sigaar cabid ama shiishad. Cabista badan ee sigaarka ama shiishadda waxay sababtaa cudurka Kansarka Sambabada.

Marka uu Sababkaaga shaqeyn waayo, noloshaada halis ayay ku jirtaa. Iska ilaali cabista sigaarka iyo shiishadda si aad waqti dheer u noolaato hadduu Eebe idmo.

  1. Jimicsi

Jimicsiga waa mid kamid wayaabaha kahortaga cudurada sababa dhimashada ee halista ah. Inaad jimicsi sameyso waxay jirkaaga ka saacideysaa inuu iska difaaco cudurada.

Jimicsi yar oo aad sameyso ayaa ah mid caawinaya caafimaadkaaga isla markaana kuu keenaya faa’ido xoog leh.

Waqtiyada aad fursadda heyso sameey jimicsi.

Haddii aad lacag heysato waxaad keensa kartaa qof  ku tababara oo jimcisiga ku bara si aad jirka u dhisato.

  1. Cun cunto isku dheeli tiran

Qaar kamid ah cunnooyinka aad cuneyso ayaa go’aaminaya caafimaadka haduu Eebe idmo. Hubi inaad cunto cunnooyin isku dheeli tiran si caafimaadkaaga u hagago.

Cunnooyinka isku dheeli tiran waxaa ku jira, proteins, carbohydrates, vitamins, fats iyo waxyaabo kale oo kamid ah nafaqooyinka.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid