ARIMAHA BULSHADA

Waligaa maku fikirtay in Saxaradaadu ay deeq loo baahan yahay noqoneyso?

Claudia Campanella, oo 31 sano jir ah, waa ardayad dhigata jaamacad ku taalla dalka Ingiriiska, xilliga aysan wax barashada ku jirinna waxay ku deeqdaa saxaradeeda.

“Qaar ka mid ah saaxiibadey waxay u maleeyaan in arrintan ay tahay wax lala yaabo ama laga yaqyaqsoodo, laakiin aniga wax walwal ah iguma heyso. Aad bay u sahlan tahay inaan ku deeqo, kaliya waxaan doonayaa inaan gacan ka geysto cilmi barista caafimaadka. Waan ku faraxsanahay inaan saxaradeyda uga qeyb qaato”, ayey tiri Claudia.

Saxaradeeda oo si “wanaagsan” loo habeeyay ayaa la dhex galinayaa qof xanuunsan calooshiis, si looga caawiyo in mindhicirradiisa jirran ay soo caafimaadaan.

Claudia waxay ogtahay in deeqda saxarada ah ee ay bixiso ay wax weyn tarto – taas ayaana ah sababta ay howshan u qabato – laakiin saxaradeeda ma mid si gaar ah khaas u ah baa?

Seynisyahannada ayaa aaminsan in dadka qaar saxaradooda ay ka koobantahay bakteeriyo lagu caafimaado oo wax ka qaban karta cudurrada ku dhaca mindhicirrada, waxayna dadkaas ku tilmaamaan deeq bixiyeyaasha ugu wanaagsan.

Ma jirto wax caddeyn ah oo loo hayo in saxarada dadka aan hilibka cunin ay ka fiican tahay Saxarada dadka kale ee caadiga ah, hase ahaatee khubarada ayaa ku dadaalaya iney ogaadaan waxa ay khaaska u noqotay oo loogu dawoobo.

Dr Justin O’Sullivan waa khabiir ku takhasusay cilmiga caafimaadka oo ka howl gala jaamacadda Auckland wuxuuna baaritaan ku hayaa Saxaradan khaaska ah.

Saxarada ugu fiican?

Mindhicirradeennu waxay hoy u yihiin malaayiin cayayaan ah oo ku dhex nool.

In kastoo cilmiga ku saabsan habka sameysanka saxarada uu wali ku cusubyahay caafimaadka, cadeymo lagu helay daraasado la sameeyay ayaa muujinaya in dadka qaar ay soo saaraan saxarada ugu fiican eek u haboon shaqada daaweynta mindhicirrada howlgabka ah.

Dr O’Sullivan ayaa yiri: “Waxaan aragnaa in saxarada ka soo baxday deeq bixiyeyaasha wanaagsan ay keento isbaddal caafimaad ah oo xitaa ka sarreeya sida celcelis ahaan loo maleynayay.

“Rajadeennu waa in aan helno sida ay arrintan u dhacdo, ka dibna waxaan horumar sii gaarsiin karnaa habka ay saxaradu u sameysanto”.

Source: BBCSomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid