3 Waxyaabood oo khatar ah oo ay tahay inaadan ku sameyn Canug yar

Marka ay noqoto ka hadalka dhallaanka, qof kastaa wuxuu jecel yahay inuu ag joogo, sababtoo ah waa wax macaan oo indhaha u roon in lala joogo caruurta yar yar.
Marka laga soo tago in qof kasta uu jecelyahay, caruurta waa kuwo jilcan oo u baahanin laga taxadaro.
Taxadarka lagaa rabo inaad siiso ayaa ah in caruurta aadan naftooda halis galin.
Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha halista ah ee loo baahanyahay in laga ilaaliyo caruurta.
- Xafaayadda haku dhaafin muddo dheer
Inkastoo ay suurtagal tahay inaad bad baadsaid qarash aad ku iibin lahayd xafaayado, inaad canugaaga ka bedesho xafaayadda waa muhiim.
Inaad waqti dheer aadan canugaaga ka bedelin xafaayadda waa caafimaad darro. Waxaa ka dhalanaya in canugga ay nabaro kasoo baxaan isla markaana saxarada ugu jirta markaas uu ka qaado cudurro.
- Iska dhego tirid oohintiisa
Waa wax iska caadi ah in ilmaha ay ooyaan, xittaa marka ay xanaaq dareemaan. Ka waalid ahaan, waa inaad la soctaa in caruurta ay intabadan u ooyaan si ay u helaan dareenka walaid ama uu ugu yimaado, waa inaad isku daydaa inaad dejiso marka uu ooyo canugaaga.
- Ogolaanshaha in qof kasta uu shumiyo
Ka waalid ahaan, inay arkaan qof kasta oo canugooda shuminayo waa wax ay u arkaan wax wanaagsan.
Si’kastaba, waa inaadan u dulqaadan ama ogolaan in qof kasta uu shumiyo ama dhunkado canugaaga sababtoo ah qof walba ma caafimaad qabo, canugga u caafimaad darro in qof kasta uu shumiyo.