CAAFIMAADKA

Saddexdaan astaamood hadaad isku aragto, ha iska indho tirin (Booqo Dhaqtarka)

Si aad u ilaaliso caafimaadkaaga, waa inaad la socotaa isbedellada uu sameeyo jidhkaaga mar kasta.

Si’kastaba, ma isku aragtaa astaamahan kala duwan? Waa inaadan fududeysan.

Waa inaad raadsataa baaritaan caafimaad si aad u ogaato in wax kasta ay hagaagsanyihiin kahor inta aysan waqti dambe kugu noqon.

Waa kuwaan qaar kamid ah astaamaha ay tahay inaadan iska indha tiring.

  1. Madax xanuun daran

Markaad dareento madax xanuun daran oo ka duwan kan caadig ah, waa inaad isku sameysaa baaritaan caadimaad oo deg deg ah.

Waxyaabaha sababa madax xanuunka daran ayaa waxa ay noqon karaan dilaac ku yimaada marinada dhiigga ee maskaxda, waxayna taas u baahantahay baaritaan caafimaad oo deg deg ah.

  1. Xanuun xabadka ah

Qabitaanka xanuun dhanka xabadka ah ma ahan wax caadi ah. Sidaa darted waa inaad raadsataa baaritaan caafimaad sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xanuunada xabadka ah ayaa waxaa laga yaabaa inay la socdaan xanuuno kale sida, dhidid, matag iyo culeys dhanka neefsashada ah.

  1. Dhiig bax aan caadi ahayn

Cudurada sida Kansarka Mindhicirada iyo gaaska ayaa la xiriira dhiig baxa aan caadiga ahayn.

Waa inaad marwalba raadsataa daryeel caafimaad haddii aad aragto dhiig-bax aan caadi ahayn si aad uga fogaato xaalado caafimaad oo halis ah.

Waxaa jira sababo badan oo lagu arko dhiigaas adigoon fileyn balse wali waxaad fursad u heysataa inaad isbaarto oo lagu daaweeyo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid