XIRIIRKA IYO GUURKA
Sideed Nooc Oo Ragga Kamid Ah Oo Ay Tahay In Gabar Walba Ay Guursato

Nin noocee ah ayaad rabtaa inaad guursatid? Waxaa layaab leh in haweenka qaar ay ragga ku guursadaan waa taajir, waa qurux badanyahay; waa waxyaabo qalad ah inaad inaad ka eegtid ninka aad nolosha la wadaageysid, waan ogahay in lacagta ay wanaagsantahay balse waxaa kasii wanaagsan aragtida wanaagsan balse taasi waa inaysan noqon waxa guurkaaga lagu dhisay.
Hoos ka aqriso sided nooc oo ragga kamid ah oo loo baahanyahy in gabar kasta ay guursato.
- Guurso nin aaminsan inaad tahay qasnaddiisa sidaa darteed ma doonayo inuu ku waayo si kasta.
- Guurso nin jecel inuu kula joogo si uu u arko adigoo dhoolla cadeynaya marka aad riyada ku jirtid.
- Guurso nin aaminsan daqiiqad walba uu kula qaato inay tahay mid qiimo leh.
- Guurso nin kugu jecel qaabka aad tahay isla markaana aanan kugu jecleyn qurux & lacag.
- Guurso nin neceb inuu indhaha isku qabto maxaa yeelay ma doonayo inuu daqiiqad waayo aragtidaada.
- Guurso nin jecel qaabka aad u dhoolla cadeysid.
- Guurso nin jecel inuu maqlo sida uu wadnahaaga u garaacmayo, kulana damqada waxtigaaga xun.
- Guurso nin jecel inuu maqlo sheekooyinkaaga quruxda badan, kaftankaaga iyo qosolkaaga.
Dhab ahaantii, waa inaad guursataa nin leh sideedaan waxyaabood, iska guurso ha iskaga guursan sababtoo ah ninka leh tilmaamahan si dhab ah ayuu ku jecelyahay mana sawiran karyo nolol aad adiga ka maqantahay.