XIRIIRKA IYO GUURKA

Saddex arrimood oo kaa caawinaya inaad si dhakhso ah usoo jiidato Gabar kasta

Ninka waxaa laga rabaa inuu noqdo mid xasilan si uu ugu guuleysto qalbiga haweeney kasta. Sifooyinka qaar waxay ninka ka dhigaan mid aad usoo jiita haweenka.

Waxaan idiin soo gudbineynaa 3 sifo oo xul ah oo nin kasta uu kusoo jiidan karo haweeney kasta.

1. Isku kalsoonaanta

Ma jiro qof u babac dhigi kara soo jiidashada nin isku kalsoon. Ninka isku kalsoon wuxuu aaminsanyahay naftiisa iyo wax kasta uu sameeyo.

Haweenka aad ayay u jecelyihiin la haasaawidda iyo inay guursadaan ninka noocaan ah ee geesiga ah isla markaana isku kalsoon.

Haddii aad rabtid in gabar ay ku jeclaato, noqo nin isku kalsoon.

2. Dhageystaha wanaagsan

Haweenka way ka helaan ragga dhageysta isla markaana dareenka siiya. Waa inaad ka shaqeysaa xirfaddaada dhageysiga si aad ugu guuleysato qalbiga haweeney kasta.

Ninka aanan dhageysan lamaantiisa si’kasta uu yahay ma ahan mid soo jiidasho leh.

3. Aamin

Haweenka waxay mar kasta ka cawdaan in ragga aysan ahayn kuwo aamin ah ama daacad ah, iyagoo ku baroorta in ragga ay yihiin kuwo mar kasta qiyaana oo aanan la isku haleyn karin.

Dumarka waxay aaminsanyihiin in helitaanka nin aamini karo ay tahay mid ay ku duceystaan mar walba.

Ha qiyaanin haweenka haddii aad rabtid  inaad yeelato qalbiyadooda isla markaana ay waligood ku jeclaadaan.

Baro inaad la joogto hal dumar ah, oo waxaad noqon doontaa nin ay gabar kasta  ah oo jeceshahay inay la haasaawdo oo ay hesho.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid