7 Qaab oo haweenka ay u dhaqmaan si ay u maseer galiyaan Raggooda

Haweenka waa kuwo aad u caqli iyo xeelad badan gaar ahaan marka ay raggooda ka helin dareenkii ay u baahnaayeen ama ay ka mashquulaan, waxayna sameeyaan farsamooyin layaab leh oo ay uga maseersiiyaan si uu ugu soo jeesto isla markaana uga mashquulin.
Waa kuwaan Waxyaabaha layaabka leh ee ay badanaa sameeyaan haweenka si ay uga maseersiiyaan raggooda.
1. La haasaawidda nin kale
Tani waa arrin ay si guud u sameeyaan haweenka si ay ninkooda uga maseersiiyaan. Ragga waxay jecelyihiin in haweenkooda ay kali u noqdaan aad ayayna u necebyihiin tartanka. Haweenka waa ogyihiin taas wayna uga faa’ideystaan ragga.
2. Ku qosolka kaftanka nin kale
Ragga waa ogyihiin in kaftanka uu wanaagsanyahay, balse marka ay haweeneyda la kaftanto oo ay la qososho nin kale wuxuu u arkayaa inay ninkaas ku faraxsantahay. Haween badan ayaa og in arrintaas ay ragga ka maseersiiso, waana mid kale oo ay uga faa’ideystaan.
3. Ismashquulis
Tani waa arrin kale oo ka careysiisa rag badan, waana mid ay dumarka badanaa ka simanyihiin si ay raggooda uga careysiiyaan isla markaana uga marseersiiyaan.
4. Jawaab waqti dambe ah
Jawaabta waqtiga dambe ah hadii ay noqon lahayd farriin ama wicitaan ayaa waxa ay ragga badanaa ku ridaa maseer iyo caro. Ficilkaas ayaa waxa uu ninka madixiisa ku abuuraa dareen aanan wanaagsaneyn.
5. INaad u dhaqanto sidii qof aanan daneyneyn
Ninkaaga wuxuu kaa filayaa inaad daneyso oo aad kalgacayl iyo daryeel u muujiso waqti kasta. Inaad tusto inaadan daneyneyn ayaa waxa ay ku keeneysaa feker qaldan iyo dareen ah inaadan gabi ahaanba rabin.
6. Kahadalka rag kale
Haddii ay noqon lahayd nin aad horey saaxiib ula ahayd ama mid aad kala tagteen amaba nin cajiib ahaa oo la dhacday ka hadalkiisa — Ragga waa necebyihiin inay dhageystaan ka hadalka rag kale; Ka hadalka arrintaas ayaa waxa ay galineysaa kalsooni darro.
7. La xiriiridda nin kale
Tani waxay keentaa hinaaso xoogan oo deg deg ah waxay rag badan gaar ahaan marka ay haweeneyda la xiriirto nin kale ama wacdo u qaataan inay ninkaas jeceshahay.