Home XIRIIRKA IYO GUURKA 5 Calaamadood Oo Aad Ku Garan Karto Inaad Guursatay Nin Ama Naag...

5 Calaamadood Oo Aad Ku Garan Karto Inaad Guursatay Nin Ama Naag Aanan Kugu Habbooneyn

0

Way wanaagsantahay inaad waqtigaaga qaadato sidaa darteed waad garan kartaa ninka ama naagta kugu habboon ee aad rabto inaad guursatid.
Waa kuwaan 5 calaamadood oo muujinaya inaad guursatay qofaan kugu habooneyn.

1. Isaga/iyada way ku liidaa

Seeyga ama xaaskaga waxaa looga baahanyahay in midba kan kale uu unoqdo ilo dhiiri gelin. Waxaad u baahantahay qof ku dhiiri geliya. Waxaad u baahantahay shaqsi ku siiya sabab aad u dagaalanto marka ay nolosha kugu adkaato ama culeys aad ka dareentid shaqada ama waxbarashada.

2. Isaga/ Iyada daacad ma’ahan

Waxaad ubaahantahay lamaan daacad ah. Lamaan diyaar kuu ah oo ku garab taagan markaad ubaahantahay isaga ama iyada.
Uma baahnid qof ay ubadantahay inuu kaa tago markii ay nolosha kugu adkaato. Lamaanka/lamaanta kalgacaylka leh waa mid had iyo jeer kuu taagan waqtiyadaada xun iyo kuwaaga wanaagsan.

3. Waa afxunyahay ama way afxuntahay

Mid kamid ah qaladaadka ugu weyn ee aad gali karto ayaa ah inaad guursatid lamaan aflagaado badan nin ama naag.
Dadka heysta lamaan aflagaado badan waligood guurkooda kuma farxaan.
Waxaad mudantahay wax ka wanaagsan nin ama naag kugu xad gudubta ku aflagaadeeysa ama ku aflagaadeeya oo gacan kuu qaada/ gacan kuu qaada.
Haddii isaga ama iyada ay noqoto qof dhib badan, waxaad ku jirtaa xiriir qaldan.

4. Waqti kuuma helo/kuuma hesho

Lamaanka wanaagsan wuxuu kuu sameeyaa waqti. Waa caddeynta inaad guursatay qofka aanan kugu habbooneyn oo qaladka ah haddii isaga ama iyada ay aad kaaga mashquusho.
Waxaad ubaahantahay inaad waqti la qaadato lamaantaada/lamaankaaga haddii aad rabtid in guurkaaga xoogeysto oo mid sal adag uu noqdo.

5. Waxay leedahay ama uu leeyahay caado xun

Guurar badan ayaa burburay sabab la xiriirta caadooyin xun. Daroogada iyo qamaarka waxay kamid yihiin caadooyinka xun ee aad ku burburin karto noloshaada iyo guurkaan macaan.
Baro sida la iskaga xakameeyo caadooyinkaan xun hadaad rabtid in guurkaaga aad bedesho.

Previous articleNever say these four things during a job interview
Next articleQaado taladaan haddii ay Xaaskaaga ku waalantahay isticmaalka Baraha Bulshada