UGAAR AH RAGGA: 6 Sirood Oo Cajiib Ah Oo Lagu Soo Jiito Gabadha Wanaagsan

Rag badan ayaanan helin haweenka wanaagsan sababtana waxay tahay ma garanayaan sirta lagu soo jiito haweeneyda ay jecelyihiin.
Hoos ka aqriso 6 sir oo lagu soo jiito gabadha wanaagsan.
1. Daacadnimada
Haweenka way jecelyihiin ragga daacadda u ah oo ay aaminaan, haddii aysan ku aamini Karin daacad ma tihid. Waa qalad inaad sheegato waxaadan ahayn si aad haweeney u hesho. Waxaan aragnaa maanta rag da’ yar oo farabadan oo sheegta waxaysan ahayn. Maxaad u maleeneysaa inay dhici doonaan haddii ogaato waxaa tahay?.
2. Il gaar ah u yeelo markeey kuu baahantahay
Masoo jiidan kartid gabadha kugu habboon haddii aadan dareen ulahayn. Markaad isha ku heyso baahiyaheeda , waxaad ogaan doonta xaaladdeeda dhan iyo qofka ay tahay isla markaana aad dhageysato. Haddii ay dhab kaa tahay soo jiidashada gabar wanaagsan, waa inaad noqotaa mid il gaar ah uyeesha baahiyaheeda.
3. Dhaqan wanaagsan
Masoo jiidan kartid gabar wanaagsan adigoo dhaqan liita. Haweenka wanaagsan waxay rabaan rag dhaqan wanaagsan. Markaad u wanaagsan tahay dadka “ma ahan haweenka” waad soo jiidan doontaa gabar wanaagsan.
4. Noqo mid ammaan badan
Haweenka way jecelyihiin , markaad si dhab ah u ammaanto. Waxaan ugu daray dhabta waxay tahay haddii ammaantaada aysan run ahayn, waa waxba kama jiraan, iska ilaali ammaan been ah inaad gabar ammaanto. Mar walba eeg tayada aad ku ammaani karto.
5. Dhageyso
Masoo jiidan kartid gabar wanaagsan haddii aadan ahayn mid si dhow ula socda. Waa inaad waxbadan dhageysataa oo hadalkaaaga yaraadaa. Haweenka way jecelyihiin marka uu ninka si dhan ah u daneeyo waxay leeyihiin isla markaana uusan iska dhigin mid dhageysanaya.
6. Noqo midaan kibir badneyn
Markaad kibir badantahay, waxaad soo jiidan doontaa haweeneyda xun ee aanan kugu habooneyn. Markaad tahay mid aanan kibir badneyn waxaa noqon doontaa mid la qadariyo oo la rabo. Si wnaaagsan ula dhaqan bini aadamka. Waxaad soo jiidan doontaa haweeneyda wanaagsan markaad tahay midaan kibir lahayn oo aqyaar ah.