Home XIRIIRKA IYO GUURKA 4 Siyaabood Oo Muhiim Ah Oo Dib Loogu Guuleysto Kalsoonida Lamaankaaga/Lamaantaada

4 Siyaabood Oo Muhiim Ah Oo Dib Loogu Guuleysto Kalsoonida Lamaankaaga/Lamaantaada

0

Waxaan idiin soo gudbineynaa 4 siyaabood oo muhiim ah oo dib loogu guuleysto kalsoonida lamaantaada.

1. Raali gelin

Waa tallaabada koowaad oo ay tahay inaad qaado marka aad qiyaanto kalsoonida lamaantaada/lamaankaaga, waana inaysan kaa noqon raali gelin caadi ah, balse waa inay noqotaa mid kal iyo lab ah. Haddii aad dhaawacday lamaantaada, waa inaadan raali gelin caadi ah siinin balse ay noqotaa mid aad uga dhaqeyso xumaanta dibna ugu hananeyso kalsoonideeda.

2. Waxaa jirta sabab ay lamaanta u carootay

Inaad fahamto oo aad garato dareenkeeda waa mid muhiim u ah; waa inaad ogaataada inay jirto sabab ay lamaantaada uga carooto ficiladaada. Marka ay lamaantaada dareento in la qiyaanay , waxay kaa fileysaa inaad dareento xanuunka oo aad noqoto qof ogaada saabta ay u carootay iyo inay xaq1 u leedahay, taasi waa qeyb kamid ah bogsashada.

3. Dib u hano qalbigeeda mar kale

Waa inaad diyaar u noqotaa inaad dib u hanato qabliga lamaantaada mar kale; waa inaad si walbo iskugu daydaa in lamaantaada aad ka farxiso, waa inaad si wanaagsan ula dhaqantaa oo aad boogta ka daweysaa, ka qoslisii oo sameey waxyaabo ka farxiya si aad dib ugu hanato qalbigeeda.

4. Dulqaad

Dulqaadka waa waxa ugu muhiimsan markaad isku dayeeyso dib u hanashada kalsoonida lamaantaada.
Waa inaad noqotaa mid si wanaagsan ugu dulqaata lamaantiisa, waana inaad u ogolaataa inay si wanaagsan u bogsato.

Previous articleGabaryahay Waxyaabahan Ku Xulo Ninka Aad Mustaqbalka La Wadaageysid
Next articleHaddii Aad Sameyso Waxyaabahan, Waligaa Ma Heli Doontid Nin Kugu Habboon