6 Faa’ido Oo Cajiib Ah Uu Leeyahay Xiriirka Ixtiraamka Ku Dhisan

Lamaanaha waxaa lagu dhiiri galiyaa inay yeeshaan xiriir ixtiraam ku dhisan, marka ay taasi dhacdana faaidooyinkiisa waa kuwo waaweyn.
Waa kuwaan qaar kamid ah faa’idooyinkiisa.
1. Xiriirka waxa uu noqonaa mid fudud
Lamaanaha way u fududaanee inay wada xiriiraan marka ay is ixtiraamaan. Marka uu ixtiraamka jiro, lamaanaha si wanaagsan ayuu mid walba kan kale ula hadlaa fekerkiisana u xushmeynaa.
2. Isfahamka ayaa hagaaga
Isfahamka aad ayuu u hagaagaa oo lamaanaha aad ayay isku fahmaan marka uu ixtiraam jiro. Marka lamaanaha ay isla hadlaan mid walba kan kale dhageysto, oo sidoo kale mid walba kan kale aragtidiisa ixtiraamo, isfahamka si caadi ah ayuu u imaanayaa.
3. Khilaafka oo si buuxdo loo xakameeyo
Maxay tahay sababta ay lamaanaha u xakameyn waayaan khilaafka, miyay taasi tahay ixtiraam la’aan. Marka uu ixtiraam jiro, isla markaana lamaanaha isxsuhmeeyaan, si aanan dhib lahayn ayay u xakameeyaan khilaafka.
4. Jacaylka wuu kordhaa
Ixtiraamka wuxuu keenaa in jacaylka iyo isfahamka uu kordho, sidaa darteed marka ay lamaanaha is ixtiraamaan waxaa kordha jacaylkooda. Ixtiraamku wuxuu koriyaa jacaylka.
5. Lamaanaha oo si wadajir ah ugu raaxeysta xiriirka
Iyadoo uu jiro jacayl, ixtiraam iyo isfaham, waxaad heysan doontaa xiriirka ugu wanaagsan oo aad ku faraxsantahay aadna ugu qanacsantahay. Ixtiraamka wuxuu xiriirka kadhigaa mid aad ku faraxdo oo aad ku raaxeysato.
6. Waa mid kamaran isku dhac
Sidoo kale talooyinkaan waxaa caawiya hal mid oo ah nabadda. Marka ay lamaanaha is ixtiraamaan dabadeed xiriirka waxa uu noqonayaa mid nabadeed oo ka maran dhibaato. Mana ahan inaysan isku dhacayn balse ixtiraamka ayaa keena isfaham iyo caqli lagu xaliyo isku dhaca marka uu yimaado.
Ma dooneysaa in xiriir wanaagsan aad la yeelayo lamaantaada/lamaankaaga? Isku daya inaad yeelataan xiriir labadiina uu midba kan kale ixtiraamo.
Hoos noogu reeb aragtidaada.