Afar Waxyaabood Oo Fudud Oo Aad Sameyn Karto Marka Xaaskaaga Ay Careysantahay

Waxaa jira waxyaabo fudud ood sameyn karto si aad u dejiso xaaskaaga oo careysan.
- Raali gelin
Waa tallabada koowaad ee aad ku dajin karto gacalisadaada marka ay xareysantahay. Waanka xumahay wax mawada xalin karto, mana dabooli karto qaldaadkaaga, balse waa waxa saxda ah ee lagaa rabo inaad sameyso. Qaadashada qaldaadkaaga iyo inaad raali gelin ka bixiso waa wax aad muhiim u ah oo lagaa rabo inaad sameyso markeey careysantahay.
- Isku day inaad dhibka xaliso
Haddii ay suurtagal tahay inaad xaliso dhib waa in wax walbo hakugu qaadatee aad sameysaa. Balse haddii aysan suurtagal ahayn isku day inaad qaadatid masuuliyadda qaladkaaga, dusha saaro qaladkaaga oo usheeg inaad mar kale sameyneyn.
- Sameey waxay jeceshahay
Haddii ay ku cafisay, tallabada xigta waa inaad ka qoslisiiso oo ay dhoolla cadeyso. Sameey waxaad ogtahay inay jeceshahay; isku day inaad ka farxiso. Adigoo ka raalli geliyay waa inaad xasuusataa qaladka aad sameysay isla markaana ka raalli gelisaa.
- Kool kooli
Dabcan waxay dooneysaa in la koolkooliyo. Inkastoo aysan careysneyn, koolkooli. Inaad koolkooliso waxay dib usoo celineysaa nabaddii idiin dhexeeysay — xiriirkiina wuxuu noqonayaa mid hore usii socda.
Haddii aad sameyso qalad ka careysiiyo, sidaad rabto ulama hadli kartid qiilna ma heli kartid. Isticmaal afartaan waxyaabood ee u fudud oo keenaya inaad ka guuleysatid.