23 Waxyaabood Oo Aad Sameyn Karto Si Gacalisadaada Aad Uga Dhigto Mid Aad Kuu Jecel

Usheegidda inaad jeceshahay isla markaana ku imaan qabto waa muhiim balse kuma filna.
Hoos ka aqriso 23 waxyaabood oo aad sameyn karto si gacalisadaada aad uga dhigto mid aad kuu jecel.
1. Haddii ay uur leedahay mar kasta caawi oo kalgacayl tusi waayo caruurtaada ayay wadaa.
2. Kool kooli oo naxariis u muuji waayo wey mudantahay.
3. Talo weydiiso kana feker kahor intaadan go’aanka qaadan.
4. Gacmaha uga qabso bannaanka waxay ogaaneysaa inaadan iskala weyneyn oo jeceshahay.
5. Mar walba isku qurxi oo qaado qaar kamid ah talooyinkeeda, haddii ay noqon lahayd in qaabeey jeceshahay aad garka u jarato ama qaabeey jeceshahay aad u labisato darteed usameey.
6. Ka dhigo saaxiibka kuugu wanaagsan, waxay rabtaa inay noqoto saaxiibka kuugu wanaagsan.
7. Uwad xafladaha lagugu mar qaaday iyo wixii lamid ah.
8. Wac subax walbo iyo habeen walbo.
9. Ubandhig qoyskaaga. Waxay arkeysaa inay tahay xaaska mustaqbalka.
10. Qof wanaagsan u noqo saaxiibadeed, marka ay saaxiibadeed ku jeclaadaan, six ad dhaaf ah ayay kuusii jeclaan doontaa.
11. Usheeg quruxda ay leedahay, dadaal badan ayay galin doontaa inay isku kaa sii qurxiso. Waxay rabtaa inay si joogta ah kaaga maqasho.
12. Farriimo jacayl u dir maalin kasta.
13. Ugu yaraan hal bishii hadiyad u iibi.
14. Waxba haka qarin. Haweenka waa jecelyihiin marak ay raggooda daacad u noqdaan.
15. Sii mudnaanteeda, waxay rabtaa inay ogaato in si dhab ah muhiim kuugu tahay.
16. Usameey waxyaabaha ay jeceshahay.
17. Ku ammaan tayooyinkeeda marka aad la joogto saaxiibadaa ama ama saaxiibadeed.\
18. Raashinka u kari mararka qaar.
19. Raali geli markaad qaldantahay oo iska ilaali inaad dusha ka saarto.
20. Ka difaac dadka marka ay wax qalad ah ka sheegaan.
21. Damaashaad uwad.
22. haween kale hala shukaansan.
23. Usheeg maalin walba inaad jeceshahay.