5 Waxyaabood Oo Ay Tahay In Haweeney Kasta Ay Uga Mahad Celiso Seygeeda/Ninkeeda

Haweeney kasta waa inay shantaan waxyaabood uga mahad celisaa ninkeeda.
- Cabashadaada ayuu dhageystaa
Dhageysiga cabashada haweeneyda haddii ay noqon lahayd mid ku saabsan nolosheeda ama waxyaabo kale shaqo adag ayay ku noqotaa ragga intooda badan. Sidaa darteed haddii aad heysato nin ku faraxsan dhageysiga cabashadaada kana jawaaba waa inaad qadarisaa.
- Maalin walba ayuu kusoo wacaa
Haddii aad heysatid nin maalin kasta kusoo waca dhib malahan si kasta uu mashquul uyahay waa inaad uga mahadcelisaa kuna qadarisaa taas.
Waxa uu rabaa in taas uu sameeyo maalin kasta balse taas micnaheeda ma ahan inay tahay mid waajib ku ah hana u qaadan.
- Wuu ku taageeraa hadaad qaldantahay xittaa
Markaad heysato nin gadaashaada taagan xittaa markaad ku dhex jirto bulsho oo aad qaldantahay, waa inaad qadarisaa hana u qaadan inuu ku qasbanyahay.
- Mar kasta albaabada ayuu kuu furaa
Badanaa ragga maanta jira ma garanayaan sida aqyaarnimo loogu dhaqmo. Haddii aad heysato nin aqyaar ah oo mar kasta albaabada kuu fura adigoo ka qaldan xitaa si weyn u qadari.
- Cashada kuu sameeya
Ragga qaarkood waligood jikada uma galayaan si ay casho ama cunno ugu sameeyaan haweentooda dhib malahan si kasta oo ay u daalantahay marka hadaad heysato nin mar walba ku faraxsan inuu cashada kuu sameeyo waa inaad uga mahad celisaa hana u qaadan inay waajib ku tahay.