Shantaan Calaamadood Haddii Aad Ku Aragto Guurkaaga Waa Halis (Iskuma Habboonidiin Adiga & Lamaankaaga)

Haddii aad calaamadahan ku aragto xiriirkaaga, way iska cadahay adiga iyo lamaankaaga iskuma habboonidiin.
- Adiga iyo lamaankaaga waxaad isku dagaashaan waxyaabo micno darro ah
Marka ay wax kasta u muuqdaan kuwo aad isku dagaashaan adiga iyo lamaankaaga, waxaa iska cad inaadan isku habbooneyn.
- Waad kala xishootaa inaad qoyskaaga iyo dadkaad jeceshahay usoo bandhigto
Marka aadan isku habbooneyn lamaankaaga, waxaad ka xishooneysaa inaad usoo bandhigto qoyskaaga iyo saaxiibadaa, lamaanaha waa inay isku faraxsanaadaan.
- Lamaankaaga kuguma xushmeeyo qoyskaaga iyo saaxiibadaa hortooda
Adiga iyo lamaankaaga iskuma habboonidiin haddii uu kugu bahdilo dadka kale hortooda.
- Kuma faraxsanid inaad usheegto hormarka iyo isbedellada kusoo kordha noloshaada
Qofka ugu horeeya ee aad wacdo marka aad hesho wax wanaagsan waa lamaantaada. Way iska caddahay inaadan isku habbooneyn haddii aadan ku qanacsaneyn inaad usheegto lamaantaada hormarka aad ku tallaabsato.
- Isku dareen ma tihiin
Waxaa iska cad inaadan isku habbooneyn lamaantaada haddii aadan wadaagin dareenka iyo farxadda.
Qosolka waa u muhiim xiriir kasta iyadoo lamaanaha si wadajir ah u farxa una qosla si joogta ah ay yihiin kuwa leh xiriirka ugu wanaagsan.