Shantaan Waxyaabood Ee Wanaagsan Ku Dheh Xaaskaaga Oo Ka Farxi Iyadoo Careysan Ama Niyad Jabsan

Xaas faraxsan waa guri faraxsan; marka ay haweeneyda faraxsantahay micnaheeda waxa uu yahay inay ku qanacsantahay guurka iyo seygeeda. Balse haddii aysan faraxsaneyn waxaa jira waxyaabo xaaskaaga farxadda ka qaaday, balse seey kalgacayl leh wuxuu isku dayaa inuu ka farxiyo oo ay dhoolla cadeeyso xaaskiisa xittaa isagoo aanan qalad ku sameyn.
Rag badan ayaa xaasaskooda ka taga marka aysan faraxsaneyn, markaas dareen bal haddii aysan wax qalad ah oo farxadda xaaska ka qaaday aysan sameyn dabadeed waa inaysan ka welwelin inay ka farxiyaan. Hagaag, maskaxda noocaas ah waa mid cilladeysan waxaana ninka laga rabaa inuu noqdo taageeraha ugu weyn ee xaaskiisa waqti kasta.
Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee aad oran karto xaaskaaga marka aysan faraxsaneyn.
- “Adiga Ayaan halkaan kuu joogaa.”
Usheegidda inaad iyada usheegtay waa mid kamid ah taageerooyinka ugu weyn ee aad siin karto. Tani waxay dareen siin doontaa jacayl, wayna ogaan doontaa inay leedahay garab.
- “Waanku faraxsanahay inaad iisheegtay.”
Tani waxay ka saari doontaa kalsooni darrada ay qabto. Mararka qaar xaasaska uma sheegaan raggooda wax, saabtoo ah ma oga sida uu uga fal celin doono haddii ay usheegto, waxa ugu dambeeya ay ubaahan karaan ayaa ah jawaab wanaagsan oo siin doonta kalsooni.
- “Waa wada qabnaa arrintaas, waana iskula jirnaa howshaas.”
“Waanku wada jirnaa arrintaan ama xaaladdaan” waxay muujineysaa midnimo waana bandhigga ugu wanaagsan ee aad taageero ugu muujin karto gacalisadaada. Waxay tusineysaa inaadan ka niyad jabeyn ama garabkeeda aad ka bexeen.
- “Miyay jiraan waxyaabo aan sameyn karo si aan kuu caawiyo?”
Umuujinta taageero intaan la eg waxay si cad utuseysaa sida aad fahansantahay ulana soctid iyo sida aad u rabtid inaad dhinac istaagtid xittaa waqtiyadeeda xun. Inaad wax usameyso waxay bedeli doontaa dareenkeeda waqtigaas.
- “Waanku jeclahay.”
Dib uxaqiijinta jacaylka aad u qabto marka ay liidato oo ay niyad jabsantahay waxay noqoneysaa awoodda ay waqtigaas u baahantahay. Inaad jacayl u muujisid waqtiyada ay liidato waa waxa ugu wanaagsan ee aad u sameyn lahayd.