4 Waxyaabood Oo Haweeney Kasta Ay Ka Rabto Ninkeeda Iyadoo Aanan Usheegin

Waxaa jira waxyaabo ay dumarka ka rabaan raggooda iyagoo aanan usheegin, marka iska baro.
- Garab iyo taageero
Haddii haweeney ay wax kusoo kordhaan nolosheeda waxay ninkeeda ka filaneysaa inuu gacan siiyo isla markaana waqtiyadaas adag uu noqdo mid u taagan, xittaa haddii uusan waxba uqaban Karin, joogitaankiisa iyo taageerada ayaa waxbadan ugu fadhin doona, aad ayayna uxumaaneysaa marka ay intaas ka weyso.
- Mugdiga ha uga tagin
Haweeney kasta waxay rabta inay noqoto mid qorshaha ninka qeyb ka ah, ma rabto in looga tago mugdiga. Waxay dareemeysaa inay muhiim tahay marka uu ninkeeda ka qeyb galiyo go’aanadiisa iyo qorshayaashiisa.
- Dareen
Haweeney kasta waxay rabtaa dareenka ninkeeda, mana dooneyso inuu dareen umuujiyo marka ay cabasho keento kaliya; waxay dooneysaa dareenka ninkeeda oo dabiici ah — waana taas waxa dareensiiya inay qaali tahay.
- Baro waxay jeceshahay
Dumarka waa kuwo raggooda ka fisha inay waxbadan ka bartaan naftooda dhowr bilood marka ay isla joogaan kadib. Ma rabaan inay raggooda ay mar walba iyaga xasuusiyaan waxyaabaha u baahan in la sameeyo; waxay ka rabaan ninkooda inuu noqdo mid og waxa ay jecelyihiin.