Afar Arrimood Oo Waajib Kugu Ah Inaad Sameyso Haddii Aad Rabto Jacayl Waara

Waa kuwaan afar waxyaabood oo waajib kugu ah inaad sameyso hadaad rabtid jacayl iyo guur waara abid.
- Ha filan lamaane dhinac walba ka wanaagsan
Waa inaad diyaar u noqotaa inaadan eegin cilladaha uu lamaanahaagu leedahay haddii aad rabtid guur waara.
Waa inaad iska ilaalisaa raadinta cilladaha lamaanahaaga haddii kale ma heli doontid jacayl waara sababtoo ma jiro qof bini aadam ah oo aanan cillado lahayn.
- Waa inaad nafta u hurtaa marka ay laga maarmaan tahay.
Haddii aad rabtid jacayl waara, waa inaad diyaar unoqotaa inaad nafta uhurto lamaanahaaga marka ay lagama maarmaan tahay.
Inaad noqotaan mid midka kale uheelan mar walba waa tilmaan muhiim ah oo ay leeyihiin indheer garadka jacaylka waara leh.
- Waa inaad diiradda saartaa xiriirka/isgaarsiinta
Xiriirka isgaarsiinta waa muhiim haddii aad rabtid jacayl waara abid. Waad ogtahay lamaantaada/lamaankaaga aad ayay u wanaagsantahay markaad la hadashid ood ismaqashaan si joogto ah. Xiriir joogta haddii uusan jirin ma yeelaneysid xiriir waara.
- Waa inaad noqotaa daacad
Waa inaad diyaar unoqotaa daacadnimo aad la wadaagtid lamaankaaga/lamaantaada nolosha inta ka dhiman hadaad rabtid jacayl waara waxaad taas ku sameyn kartaa daacadnimo. Waa inaadan wax ka qarin lamaankaaga haddii aad rabtid jacayl waara abid oo guuleysta.