XIRIIRKA IYO GUURKA

8 Waxyaabood Oo Fudud Oo Gabaryahay Uu Gacaliyahaaga Kaa Filayo

Haddii uu nin ku jecelyahay isla markaana uu doonayo inuu xiriir kula yeesho, waxaa jira waxaayabaha qaar oo uu kaa filanayo.

Haweenka qaar waa ay sameyaan waxyaabahan balse waxaa hubaal ah inuu ninkaaga ku xushmeyn lahaa oo uu ku qiimeyn lahaa haddii aad u sameysid waxyaabahan soo socda oo ah kuwo aad u fudud.

  1. Qof faham badan inaad noqotid

Ninkaaga waxuu kaa filayaa inaad noqotid qof wax fahamta ,wuxuu kuu arkaa qof muhiim u ah noloshiisa inkabadan haweenka kale, waxa uuna kaasii filayaa faham intaas kasii badan xitta marka ay kuwa kale fahmi Karin.

  1. Inaad noqotid qof dhiiri galin badan

Haddii uu jiro qof uu ninkaaga u baahnaan lahaa inuu gadaal ku heysto ama ay garab taagnaato, waa xaaskiisa oo ah tan aad uga taxadarto, wuxuu filayaa inaad noqotid qof dhiirigelisa waqti kasta waqtiyada wanaagsan iyo kuwa xunba.

  1. Qof ku kalsoon

Kuuma sheegi karyo tan, balse wuxuu filayaa inaad aamisantahay  xitta marka uusan isaga isku kalsooneyn waxa uu doonayaa kalsoonidaas dheeraadka ah aad ayuuna u qiimeyn lahaa taas.

  1. Inaadan waxyaabo fudud ka caroon

Ninkaaga waxa uu filayaa inaad u dulqaadatid waxyaabaha xad dhaafka ah ama isdaba jooga ah sida kaftanka ee uu sameeyo wuuna ogyahay in mararka qaar ay xad kabax tahay balse wuxuu kaa filayaa inaad noqotid qof dulqaad badan isla markaana aad joojisid inaad ka carotid waxyaabaha fudud ee uu sameeyo.

5.Inaad tixgalisid

Ninkaaga waxa uu kaa doonayaa inaad tixgalisid waxa uu rabaa inaad uga mahadcelisid waxa yare e uu kuu sameeyo sida aad uga mahadcelisid waxyaabaha waaweyn ee uu kuusameeyo oo kale, waxa uu rabaa inaad u jeclaatid si daacadnimo ah isla markaana ku tixgalisid ood ku qiimeysid kaalinta uu uga jiro noloshaada.

  1. Waxyaabo kedis ah

Waxa uu rabaa inaad kedis uga dhigtid waxyaabaha qaar, inaad hadiyad u keentid inaad shaqo uusan fileyn u dirsatid ama uu howsha kula qabto iyo wixii lamid ah.

  1. Qiimeey fakarkiisa

Waxa uu filayaa inaad qiimeysid aragtidiisa xittaa haddii aadan ogoleyn inaad ku raacdid fkarkiisa waxa uu rabaa inaad mar kasta dareensiisid inuu qiimo leeyahay.

  1. Dareen sii

Haweenka sida ay u rabaan in dareen ama aragti gooni ah loo siiyo ayay raggana u rabaan taas, waxa uu doonayaa inaad il gaar ah ku eegtid ama aad dareen siisid si uu u dareemo inuu yahay qof la rabo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid