4 Waxyaabood Oo La Fisho Habeenka Arooskaaga (Iska Baro)

Waxaan idiin soo gudbineynaa xaqiiqooyin yar oo dhaca habeenka arooskaaga oo loo baahanyahay inaad ogaatid.
- Daal daran
Ma jiri karo daal kabadan mid aad arkeyso habeenka arooskaaga. Isku duba ridka arooska ayaa noqon karta mid jahwareer iyo culeys ah oo qaadan karta todobaadyo iyo bilo.
Qorshahaan mudada dheer ah ee arooska iyo maalinta guurkaaga ayaa kaaga tageysa daal aad u daran wuxuuna daalkaas kasii darayaa habeenka arooska iyo guri geynta, waxaa macquul ah inaadan xasuusan raaxo habeenkaas.
- Waxaad fileysid ayaa ka duwnaan kara xaqiiqda
Waxaa jiri kara waxyaabo aad qorsheysatay habeenka arooskaaga, balse filashooyinkaas ma noqon karaan wax dhaca sababtoo ah waxyaabo kala duwan oo aadan qorshaha ku darsan ayay inta badan u badantahay inay kasoo sare maraan.
- Kicid waqti dambe
Tani waa xaqiiq kale. Huradada habeenka arooskaaga ayaa noqoneysa mid aad u dheer oo culeyskeeda leh kuna darso taas ayaa keeneysaa in maalintaad inteeda badan aad sariirta ku qaadatid.
- Isbedel dareenka ah
Waad ogtahay waqtiga dheer ee aad rabtay inaad mar lee guursatid; Maalinta guurkaaga way imaatay wayna dhammaatay — tani waxay kaaga tageysaa dareen iyo niyad jab isla waqtigaas — maalinta ugu wanaagsan noloshaada way timaaday wayna tagtay; taasina waa dareen culus oo maalintaas teeda kale kusoo wajahaya.