ARIMAHA BULSHADA

Gabaryahay Waligaa Ha Guursan Ninka Leh Dhaqankaan (Ka Fogoow)

Guursiga ninka leh caadooyinkaan way xuntahay, kahor inta aadan guursan nin, waa inaad la qaadataa waqti si aad u ogaatid haddii uusan lahayn iyo haddii uu leeyahay caadooyinkaan hoos ku qoran.

Ninka caadada ka dhigto beenta

Way adagtahay inaad aamintid nin beenaale ah, guurka aanan lagu dhisin aaminaadana wuu bur buraa, waligaa guur haka aqbalin ninka caadada ka dhigta beenta.

Ninka intabadan ballamaha ka baxa

Ballan ka bixidda hal waala cafin karaa balse waa inaadan guursan waligaa nin si fudud ballamaha uga baxa, nacas ayuu kaa dhigaa haddii uu ballamo si fudud kuugu sameyso isla markaana uu ku burburiyo.

Ninka sida aan taxadarka lahayn wax ugu ciyaara

Nin wax ugu ciyaara si aanan ka fiirsasho lahayn ma ahan nin ay haweey guursato, waxaad ku raaxeysan kartaa dhammaan hadiyaha qaaliga ah uu kuu iibiyo balse ma rabtid lacagaha xad kabaxa ah ee uu ku ciyaaro.

Ninka aanan qaldamin ee mar walba isla saxan

Ninka mar walba islasaxan marna aanan qaldamin ma ahan nin ay haweeney guursato, qofna ma dhammeystirno  waxan dhammaanteen u baahanahay inaan barano qaladaadkeena isal markaana aan diyaar u noqono isbedel, haddii uusan marnaba qaladkiisa qaadan dabadeed waa inaadan guursan.

Ninka aflagaada badan ama gacan qaadka yaqaan

Marnaba ha guursan nin ku gacan qaada haddii ay xittaa hal mar tahay maxaa yeelay mar kale ayuu kugu sameynaa ama kuu gacan qaadaa ama ku aflagaadeynaa, ha u qaadan inaad bedeli kartid ninka kuugu xad gudba jir ahaan amadareen ahaan.

Ninka damaca badan ee kaa dhiga inuu adiga ku leeyahay

Marnaba ha guursan nin kaa dhiga sida qof uu leeyahay oo kale isla markaana doonaya inaad ag joogtid 24-ka saac, dhammaanteen waan leenahay waxyaabo u baahan in dareenkeena, qallooca ama ka duwanaahasha dadka caadi ma ahan waxayna muujineysaa inuusan kugu kalsooneyn.

Alkuliistaha ama ninka maandooriyaha ku qabatimay

Guurkaaga waxay ubadantahay inuu soo gaba gaboobo isla markaana lagu furo haddii aad guursatid nin ku qabatimay maandooriyaha ama aalkolada.

Ninka aanan mudnaan ku siinin

Ha guursan ninka kusiiya mudnaan dhex dhexaad ah isla markaana aanan muujin qiimahaaga, haka aqbalin inuu si caadi ah oo mudnaan iska yar ku siiyo maxaa yeelay waad istaahishaa inaad noqotid mudnaanta saree e ninkaaga oo qiimo ayaad ku fadhisaa.

Ninka aanan dhageysan fikirkaaga

Ninka aanan dhageysan fikirkaaga kuma xushmeeyo waana inaadan marnaba guursan nin dhaqankaan leh, xiriirka qiimaha leh, seygaaga wuu xushmeynayaa fikirkaaga xittaa haddii uusan kugu raacasaneyn.

Ninka raali galinta badan

Ha guursan nin had iyo jeer la yimaada raali galin sababtoo ah raali galintaas ma imaaneyso haddii uu midnaan kusiiyo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid