CAAFIMAADKATALOOYIN CAAFIMAAD

10-ka Cunno Ee U Wanaagsan Cudurka Sonkoroowga Ama Macaanka [Ka Faa’ideyso]

1= DUFANKA KALUUNKA

dufanka kaluunka leh ayaa ah kamid ah cunooyinka ugu muhiimsan ee xadiga sonkoroowga isku dheeli tiri kara kans ilaalin kara in uusan ugeysan xubnaha kale ee jirka dhaawac sida wadnaha ama dhiig ku furma maskaxda waxaana dufanka kaluunka laga helaa omega-3 oo shaqooyinkaas qabanaya.

2= QUDAARTA CALEENTA CAGAARAN.

Qudaarta cagaaran aad ayey u nafaqo badantahay waxay hoos udhigtaa sonkorta dhiiga ku jirta waxay ka caawiyaan in uu si fiican u shaqeeyo habdhiska dheef-shiidka cuntada.

Macdanta ugu badan ee laga helayo qudrada caleenta cagaaran waa Vitamin C oo daraasaad lasameeyey lagu ogaadey hadii uu qofku qaato in ay hoos u dhigeyso caabuqyada ayno sidoo kale ay dhinto sonkorta dhiiga ku jirta ee dadka qaba nooca sonkorowga TYPE 2 Diabetes.

Waxayna ka hortag u tahay qudrada caleenta cagaaran in sonkoroowgu uu dhaawac u geyso indhaha iyo wadnaha

3= QORFAHA.

Daraasaad la sameeyey ayaa cadeeyey in qorfuhu uu hoos u dhigi karo xadiga sonkorta dhiiga ayna hormariso Hoormoonka Insulin.

4= UKUNTA.

Waa mid kamid ah cuntooyinka ugu faaiidada badan,

Si xiriir ah hadaad u cunto maalin walba labo xabo oo ukun ah ayaa yareenaysa qatarta in sonkoroowgu uu dhaawaco wadnaha,

Waxay hoos u dhigtaa ukuntu caabuqa waxay hormarisa awooda hoormoonka Insuline.

5= YOOGURTA AAN SONKORTA LAHAYN.

 

Yoogarka aan sonkorta lahayn wuxuu yareeyaa xadiga sonkorta dhiiga waxa uu ka hortag u yahay in sonkoroowgu uu saameeyo wadnaha sidoo kale waxa uu dheeli tiri karaa miisaankaada.

6= LOOSKA.

Looska waxa uu fiicanyahay sonkoroowga wuxuu hoos u dhigaa sonkorta dhiiga waxa uu caawiyaa hormoonka insulin waxa uu sidoo kale caawiyaa habdhiska dheef shiidka.

Apple cider vinegar can improve insulin sensitivity and lower blood sugar levels. It may also help you feel full for longer.

7= TUFAAXA.

tufaaxa ayaa hormariya hoormoonka insuline hoosna u dhiga xadiga sonkorta dhiiga kaana caawinaya in aad waqti dheer dareento in aad dharagsantahay maadaama sonkoroowgu uu gaajo badan leeyahay

8= TOONTA

ayaa u fiican sonkoroowga iyo dhiikarka waxayna hoos u dhigtaa dhiiga in uu kaco

9= YAANYO MAROOLEY.

Yaanyadu waa awood kale oo hoos u dhigi karta in aad wajahdo kansarad qayb kamid ah sidoo kalana hoos u dhigta in aad wajahdo xanuuna sonkorowgu uu keeno

Waxayna yareysaa sonkorta dhiiga in aad cunto iyada oo qayriin ah yaanyada ama aad bisleysato.

10= DIGIRTA.

Daraasaad 2012 dii la sameeyey ayaa cadeeyey in digirtu ay hoos u dhigto dadka qaba sonkoroowga in ay wajahaan xanuunada wadnaha ku dhaca ee daba dheerada.

TALO SIIN GAAR AH

Sonkorowga aan kontoroolka lahayn ayaa kordhiya khatarta cudurada halista ah sida in uu waxyeeleeyo araga,wadnaha,kelyaha,maskaxda iyo xubno kale

Si kastaba ha noqotee, cunidda cuntooyinka ka caawiya ilaalinta sonkorta dhiigga iyo sara u qaadista shaqada insulin waxay hoos u dhigi kartaa hoos u dhigista khatarta aad u yeelan karto xanuunadaas.

Cuto walba oo 10kaan cunto kamid ah hadaad si xad dhaaf ah u qaadato waxaa laga yaabaa in ay wax ku yeeleyso fadlan xadi yar ka qaado maalintii oo ha isku badin.

W/Q: Dr Mohamed Amen

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid