UGAAR AH RAGGA: 6 Tilmaamood Oo Lagu Garto Haweeneyda Ku Garab Taagan

Waxaan idiin soo gudbineynaa 6 calaamadood oo ay leedahay haweeneyda garabka u ah seygeeda.
- Wax mid walbo kugu qaadata
Lamaan dhabarkaaga taagan waxay kugu qaadaneysaa sida aad tahay, lamaantaas oo kale kuma dareensiinayso inaadan ku habooneyn mana kula meel dhigayso kuwo kale, lamaantaas kuma dareensiinayso inaa tahay mid nasiib xun, lamaan ku dhabar taagan waxay kugu jeclaaneysaa sida aa tahay oo ilaahay (SWT) kuu abuuray.
- Waqti ayay kuu sameyneysaa
Lamaan ku garab taagan waqti ayay kuu sameyneysaa mar kasta; lamaantaas oo kale kama maqleysid mashquul Ayaan ahayd iyo wax lamid ah kaama mashquuleyso xittaa hadeey ku jirto waqtigii mashquulka.
Lamaanta ku garab taagan waqti qaas ah ayay kuu sameyneysaa.
- Warkaaga ayay maqshaa
Lamaan ku garab taagan waxay dhageysaneysaa hadalkaa iyadoo dareen ku siineysa, adiga ayay kula tashanee marka ay go’aan qaadaneyso wayna kula soo xiriirtaa mar kasta.
- Mahdin
.Lamaanta ku garab taagan waa tan had iyo jeer aragta qiimahaaga isla markaana ku faraxsan inay ku heshay, aad ayay ugu mahdisaa inay nolosha kugu heshay.
- Waa mid had iyo jeer kuu heelan
Tani waa dabeecad qaas ah oo ay leedahay lamaantaada ku garab taagan; lamaanta garabka kuu ah waa tan had iyo jeer diyaar kuu ahata kuna taageerta waqtiyada xun iyo kuwa wanaagsan, xittaa marka ay dadka kale gacan ku siineyn
- Waa dadaal walba ku bixisa in xiriirka uu shaqeeyo
Lamaan ku garab taagan waa mid ay ka go’antahay in xiriirka uu shaqeeyo; lamaanta noocas ah waa mid aanan la helin waxayna dadaal badan maalin walba galineysaa in xiriirka uu noqdo mid aad u wanaagsan.
Haweeney kasta waa inay noqotaa noocaan si xiriirka iyo guurka u nqodaan kuwo wanaagsan oo aanan burburin.
Ma leedahay lamaan ku garab taagan? Waa inaad aad u xushmeysaa oo aad ilaalisaa.