Haweenka Oo Aad Uga Hela Ragga Leh 10-kaan Tilmaamood

Waxaa jira dabeecado ay leeyihiin ragga noocaan ah oo dumarku ay aad uga helaan, haddii aad rabtid in haweeney kugu waalato waxaad u baahantahay tayooyinkaan hoos ku xusan.
- Daacad
Haweeney kasta waxay dooneysaa nin daacad ah oo ay aamini karto, haweenka way ku waashaan ragga daacadda ah oo lagama reebi karo.
- Dareen
Haweenka way jecelyihiin dareenka, iyo ragga il gaar ah ku hayo oo dareen siiyo.
- Waji furnaan
Haweenka way jecelyihiin ragga wajiga furan ee aanan xir xirneyn. masoo jiidan kartid haweenka haddii aad mar kasta careysantahay ama waji macbuus tahay.
- Kaftan badan oo waji furan
Haweenka aad ayay u jecelyihiin mana laga reebi karo ragga had iyo jeer ka qoslisiiya.
- Cayaar badan
Haweeney kasta waxay dooneysaa nin ay la ciyaari karto, waxaad noqoneysaa nin haweenka ay ka maarmaan haddii aadan la ciyaarin, noqoshada qof la ciyaara waxay kaa caawineysaa in lamaantaada ay kuu noqoto saaxiibkaaga ugu wanaagsan.
- Kalsooni
Kalsoonida waa wax ay haweenka aad uga helaan, kalsoonisa waxay muujineysaa inaa tahay nin isku kalsoon, rag badan ayaa kalsoonida ku qalda kibir, kibirkana wuxuu keenayaa in haweenka ay kaa cararaan.
- Naxariis badan
Haweenka way ku waashaan ragga tusa oo u muujiya naxariis, isla markaana dadka kale jecel.
- Dhageyste wanaagsan
Haweeney kasta waxay dooneysaa in la maqlo iyagoo aad u xushmeeya una qiimeeyaa ragga dhageysta oo warkooda qiimeeya.
- Karti
Haweenka aad ayay ugu waashaan ragga leh kartida, cilmi baaris ayaa sheegtay in haweenka ay aad u jecelyihiin ragga kartida badan isla markaana aysan ka maarmin.
- Labiska
Haweenka waxay aad uga helanaa ragga isqurxiya,mana ahan quruxda inaad iscadeysid iga raalli noqo balse waa ragga iscarfiya ee labiska badan.