Afar Waxyaabood Oo Gacalisadaada Ay Kaaga Baahantahay Maanta Iyo Mar Walba

Afartaan waxyaabood ee aan halkaan idin kugu soo gudbinay waa kuwo muhiim u ah lamaanaha waana kuwa ay xaaskaaga dooneyso inaad mar walba u sameysid si guurka u guuleysto.
- Iska illoow qaladkii shalay
Qof kasta waxa uu u baahanyahay fursad maalin cusub iyo fursad kale in la siiyo mar kale, marka cafi qof kaas oo wali fursad kale sii, haku soo qaadin qaladkii shalay maalin kale oo cusub.
- Umahad naq
Lamaantaada waxay dooneysaa in loo mahad celiyo isla markaana lagu qiimeeyo waxyaabah yar yare e ay xiriirka idinka dhexeeyo dartiis u sameeysay marka uga mahad naq oo ku qiimeey waxa ay kuu sameyso.
- Umuuji naxariis
Noqo qof naxariis badan oo u damqada lamaantiisa waayo jacaylku waa naxariis, noqo nin u damqada adigana waligaa kuma dhigi doonto oo madaxa ayay ku saran doontaa.
Sidoo kale waxaan ku sheegayaa in ficillada yar yare e ay naxariista ku dheehantahay ood maalin walba u sameysid jacaylka ayay xoojiyaan.
- U noqo taageere
Dhammaanteen waan u baahanahay inay na taageeraan dadka qaaliga nagu ah, culeysyada noqo ay maalin walba keento waa kuwo adag, balse way fududaaneysaa marka aad leedahay qof aad la wadaagtid culeyskaas.
Waxa ay lamaantaada kaa rabto maalin walba waa taageero waana inaadan ka daalin inaad noqotid qof garab taagan oo had iyo jeer taageera xaaskiisa sababtoo ah guurkaas waxa uu noqonayaa mid guuleystay oo aanan burburin.
Aayaha Online
Hoyga Arrimaha Bulshada