ARIMAHA BULSHADAXIRIIRKA IYO GUURKA

Baro Noocyada Kaftanka Ka Mamnuuca Ah Lamaanaha Is Qaba

Lamaanaha wada nool ee calafku jamciyay isla markaana goostay in ay noloshada wadagaan waxaa la gudboon in wakhtiyadooda ku wada qaata kalsooni kaftan in arimaha oo si wada jir ah loo gorfeeyo iyo fara ka ciyaar sahlan si midba midka kale uu u qanciyo oo kalinimada uu uga saaro.

Daraasad la sameeyey dhawaan ayaa lagu sheegay in waxyaabaha cuqdad nafsiga keena uu kamid yahay kaftanka oon la qiimeen halka uu ku aadanyahay xiliyada labada qof ee noloshada wadagaa ay kaftamayaan.

Hadaba kaftanadaasi waxa ay keensan karaan in wakhtiyada qaar laga yaabo in ay keenaan ama horseed ka noqdaan is afgaran waa sahlaya kala taga lamaanaha iyo burburka qoyska.

Waxyaabaha aan lagu kaftami Karin waxa ka mid ah, in aad hadal daciifnimo ah kula hadashid lamaanahaaga kaas oo dareen gaar ah ku dhalin kara.

Related Articles

Tusaale ahaan haku kaftamina in aad reerkiina, isbarbar dhig ku samaysaan labada qoys ee aad kaso kala jeedaan, iyada oo arintaasi keensan karta in marka lasoo hadal qaado meelaha ay qoysasku ku fiican yihiin isla markiiba si kadis ah loo tilmaami karo qiimaha ay leeyihiin labada qoys.

Ka tigtoonow in aad soo hadal qaado waxyaabaha uu dhibsanayo lamaanaha kale, sidoo kale lamaanahaaga ka ilaali in aad soo xasuusiso waxyaabo tagay oo aan habooneyn in la xasuusto.

Hadaba waxa wanaagsan in kaftanku uu ku saleesnaado waxyaabo aan dareen qoto dheer qofka ku yeelanayn oo la ilaawi karo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid