UGAAR AH DUMARKA: Haddii Ninkaaga uu leeyahay Shantaan sifo, Waxaad heysataa Ninka ugu wnaaagsan Dunida

Haddii uu saaxiibkaa sameeyo waxyaabahan hoos ku xusan, waxaad leedahay ninka ugu wanaagsan dunida.
- Waa nasiib badanyahay hadduu ku helay
Waxaad heysataa ninka ugu wnaaagsan dunida haddii uu saaxiibkaa dareemo inay nasiib tahay inuu ku helay, aad ayaa saaxiibadiis ugu faaniyaa tayooyinka wanaagsan ee aad leedahay.
- Gacanta ayuu ku qabtaa
Tani waa mid rag yar ay sameeyaan maalmahan, haddii aad leedahay nin had iyo jeer ku faraxsan inuu gacanta kaa qabto, waxaad heysataa saaxiibka ugu wanaaagsan dunida, marka uu qabto gacantaada waxa uu kuu sheegaa inuu kugu faraxsanyahay isla markaana ku jecelyahay.
- Wuxuu kugu dhiiri galiyaa inaad noqotid qof wanaagsan
Waxaad heysataa ninka ugu wanaagsan dunida haddii uu kugu dhiiri galiyo inaad qof wanaagsan noqotid, inaad aragtid dadaal uu ku bixinayo naftiisa waxay kugu dhiiri galisaa inaad noqotid qof wanaagsan.
- Kama daalo inuu qalbigaaga kasbado
Waxaad heysataa ninka ugu wnaaagsan adduunka haddii uu isku dayo inuu qalbigaaga ku guuleysto xittaa marka aad xaaskiisa noqotid kadib, wuxuu sameeyaa waxyaabo aad ku jeclaaneysid si qoto dheer sida inuu dalxiis kuu wado ama uu hadiyad kuu iibiyo.
- Wuu kula tashtaa
Waxaad heysataa ninka ugu wanaagsancaalamka haddii seygaaga uu kula tashto kahor inta uusan go’aan qaadan, uma dhaqmo sidii in isaga kaligiis uu go’aanka leeyahay taladaada ayuu dhageystaa.