SHEEKOOYIN JACAYLXIRIIRKA IYO GUURKA

Sheeko Jacayl: Kulankii ugu dambeeyay ee isku bedelay Farxadda (Qeybtii 3-aad)

Kulanti wacan oo wanaagsan saaxiibayaal kusoo dhawaada qeybtii sadexaad sheekadii xiisaha badneyd ee lamagac baxday “Kulankii ugu dambeeyay ee isku bedelay Farxadda”.

Waxay inoo mareysay Farxiyo oo Saadaq ka codsatay inuu gacan siiyo isla markaana uusan u ogolaan inay nin kale xaas u noqoto oo waalidkeed u tago wax walibana uu sidaas kusoo gabagabeeyo.

Saadaq markaan waxa uu go’aan saday inuu dajiyo Farxiyo isla markaana uu sidaas uga tago inta uu noolyahayna dib uusan ugu soo laaban, waxa uu Farxiyo ka dhunkaday qoorta isagoona ula hadlay si dabacsan oo naxariis ay ku jirto waxa uuna ku yiri Farxiyo, “Farxiyo kuma guursan karo haddadan la joogo maadaama aanan diyaarsaneyn isla markaana aanan saldhigan, waalidkaa waligood ima ogolaanayaan, waxan ubaahanahay waqti badan si waalidkaa aan u tuso inaan ahay qofka saxda ah ee kugu habboon adiga”.

Farxiyo oo careysan ayaa dib u riixday Saadaq, waxayna si caro leh gacanteeda ugu garaacday darbiga, waxay u sheegtay inuu hadda ka tago Saadaqna goobtii ayuu ka tagay, Farxiyo markaan niyad jabkii ugu weynaa ayaa soo wajahay xaaladdana way ku xuntahay dhulka ayay fariisatay waxayna bilaawday inay kaligeed meel cidlo ah ku ooyso…

Laba saacadood kadib xaalka ayaa isbedelay, Farxiyo waxaa telefoonkeeda ugu soo dhacay farriin qoraal waxayna ka timid Saadaq, way furtay waxana ku quran farriinta oo lagu yiri, “ muddo intee la eg ayaad maqnaaneysaa, gurigiina ayaan kugu sugayaa, aabahaa wuxuu kaa rabaa inaad hortiisa igu ogolaatid isla markaana ku aqbashid inaad igu faraxsantahay aniga, si dhaqsi ah u imoow boqoradeydiyeey, ma sugi karo inaan sariir kula wadaago isla markaana aan dhinacaaga kasoo tooso subax waliba, mana sugi karo inaan boggaaga ku hurdo, waxay ii tahay waqtigii iigu farxadda badnaa nolosheyda.

Farxiyo ayaa si deg deg ah u timid guriga waxayna mar qura indhaha saartay Saadaq iyo aabeheed oo isla fadhiya koffeeyna wada cabaya, Farxiyo way iscelin weysay farxad darteed ayay la imeysay, markaas ayay aabheed iyadoo ilmeyneysa dhoollacadeyna ku dareysa ku tiri Aabe, Saaq nin aaanan ahayn adduunkaan kuma lihi waxaan siiyay nafteyda ee Aabe dhankeyga wax ku xiran ma jiraan Saadaq si walba ayaan ku rabaa markii ay intaas kasoo baxday Farxiyo afkeeda, Aabaha dhalay Farxiyo Saadaq ayuu gacanta qabtay wuxuuna ku yiri maanta laga bilaabo Farxiyo waxay noqoneysaa xaaskaaga saacaddan laga bilaabana Farxiyo waan ku siiyay, noloshiina mid farxadeed awlaad baariyaal ah iyo guur farxad leh Ayaan idinkugu duceeyay,

Guud ahaan intaas Ayaan kusoo gaba gabeynayaa Sheekadii la magac baxday Kulankii ugu dambeeyay ee isku bedelay Farxadda qeybtii 3-aad oo ah qeybta ugu dambeysay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid