Sheeko Jacayl: Kulankii ugu dambeeyay ee isku bedelay Farxadda (Qeybtii 2-aad)
Saaxiibayaal kusoo dhawaada qeybtii labaad ee sheekadii la magac baxday Kulankii ugu dambeeyay ee isku bedelay Farxadda:-
Farxiyo mar walba jacayl xad dhaaf ah ayay u qabtay Saadaq balse Saadaq diyaar uma ahayn guur, waxana la joogay waqtigii ay guursan alahayd Farxiya iyadoo waalidkeed ay bilaabeen baadi goobka ninkii ku haboonaa Farxiyo ee u bedeli lahaa Saadaq, Saadaq ayaa waxaa lasoo darsay murugo badan markii ay Farxiyo kasoo laabatay suuliga oo ay wajiga kusoo meeraneysay Saadaq ayaa ka qabtay gacanta, waxa uuna la aaday goobtii uu gaariga u yalay balse Farxiyo ayaa weydiisay halka uu uwado balse Saadaq marnaba ugama jawaabin.
Saadaq ayaa raadinayay goob ay isaga iyo Farxiyo ku sheekeystaan waxuuna ugu dambeyntii helay goob bannaan oo jawi macaan markaas ayuu Saadaq u sheegay Farxiyo inay raacdo gacanta ayuu si adag uga qabtay isagoo gacanta ka xanuunjiyay isla markaana u waday goobtii, kadib ayuu ku qeyliyay waxa uuna ku yiri “Maxaa la ooyneysaa, sidaan kuguma arki karo”.
Farxiyo oo murugo badan ay heysay ayaa wajigeeda hoos aadisay, iyadoo isku dayeysa inay qariso ilmada indhaheeda ka qubaneysa, waxayna Saadaq u sheegtay inuu dib ugu laabto magaaladii uu ka yimid isla markaana uu faraha ka qaado, Farxiyo ayaa Saadaq u ballan qaaday inay fiicnaaneyso maalmo yar kadib iyadoo ka codsatay inuusan lasoo xiriirin mar kale inta uu noolyahay.
Saadaq dhabarka u jeediyay Farxiyo si uu uga tago dabadeed farxiyo oo is adkeyneysa ayaa gacanta ka qabatay isla markaana dhinaceeda u jiiday madaxa ayay ka dhunkatay, si daran ayay u ilmeysay.
Waxay ku tiri fadalan Saadaq qof kale ha u ogolaan inuu gacmihiisa ku taabto jirkeyga, ma sawiran karo anigoo qof kale la jiifo, ma dhaceyso qaabka aad iitaabatay qof kale iima taaban karo.
Fadlan waxan kaa codsanayaa inaad wax walba sameyso si aad u joojiso inuu qof kale I guursado, waxan diyaar u ahay inaan nolosheyda doobnimo ku dhammeysto balse qof kale lama wadaagi karo riyooyinka aankula arkay, fadlan ha iga tagin, fadlan la hadal waalidkeeyga, fadlan fadlan.
La soco Qeybta 3-aad ee sheekada oo ah tan ugu dambeysa uguna xiisaha badan maalinta berry ah insha allah.