Dhambaal Jacayl oo ku socda Boqorad uu Seygeeda aad u jecelyahay (Qeybtii 1-aad)

Xaaskeyga qaaliga ah ee qiimaha badan, waxaad iga buuxisay jacaylkaaga aanan dhammaadka lahayn, ilaah ayaan u mahad celinayaa oo xaaskeyga kaa dhigay, aad Ayaan kuu jeclahay.
Jacaylkaaga waa waxa ugu wanaagsan ee aan sameeyay intaan noolaa, nolosheyda dhan farxad ma heysan, waxaan noqon lahaa qof dhintay oo kale hadaan ku weyn lahaaa, waanku jeclahay.
La joogaaga, dhammaan maalmaheyga waxaad ka dhigtay kuwo qiimo leh, waxaad nolosheyda ka dhigtay mid fudud, safarkeedana waxa uu ahaa mid cajiib ah, waxaad tahay jawaabta ducadeyda, riyadeydana way ii rumoowday, waan ku jeclahay.
Nolosheyda waxaad galisay kalgacayl iyo farxad, Qatar walba waankuu gali karaa maxaa yeelay nolosheyda wehel buuxa ayay leedahay adigaana ii ah, qiimo badan ayaad iigu fadhisaa gacaliso.
Aad Ayaan kuu jeclahay xaaskeyga qaaliga ah ee qiimaha badan, go’aanka ugu wnaaagsan ee nolosheyda waxa uu ahaa guurkaaga, aad Ayaan unasiib badanahay maadaama aad xaaskeygii noqotay.
Haddii aad nasiib badantahay waxaad heshaa xaas wanaagsan waxan ula jeedaa nolosha qiima malahan haddii aadan heysan xaas qurux badan oo aanan kalgacayl lahayn sida adiga oo kale, waanku jeclahay boqoradeyda.
Qeybta labaad ee dhambaalka la soco maalinta berri ah Insha allah