Afar Sababood oo aad u isticmaashid Makeup farabadan

Afar Sababood oo aad u isticmaashid “Makeup” farabadan.
Makeup la’aan ma joogi kartid
Dadka aadka u isticmaala Makeup-ka waxay noqdaan kuwo ku qabatimay ama aanan la aantiis joogi Karin. Ma jiro waqti u go’an mar walbo wajiga ayay Makep marinayaan.
Haweeneyda caadiga ah mararka qaar ayay isticmaashaa Makeup-ka gaar ahaan marka ay aadeyso meel ama dalxiis.
Marka tan aanan joogi Karin la’aantiis xittaa marka ay guriga joogto wey marsanee maxaa yeelay kuma kalsoono wajigeeda,
Dadka kuma garanayaan hadaadan Makeup marsan
Waad ogtahay niydda ma dhisno marka aysan jirin kalsooni aad bannaanka ku aadid Makeup la’aan. Xittaa la’aantiis hadii aad baxdid saaxiibadaa wey ku adkaaneysaa inaad qofkii saxda ahaa tahay.
Arintaan ayaa ah mid xun maxaa yeelay waxaad weysay wajigaagii dabiiciga ahaa.
Isticmaal badan
Waxaa jira haween si macquul ah u isticmaala Makeup qaar maalmo qaar laba bilood ama ugu yaraan bil, si kastaba marka kuwa sida xad dhaafka ah u isticmaala qarash badan ayaa gala waana in waqtii loogu tala galay Makeupka kahor ay mid kale soo iibsadaan oo ay isticmaalaan waana mid saameyneysaa dhaqaalahaaga iyo wajigaaga intaba,
Wuxuu haleeyaa dharkaaga iyo qeybo kale oo jirkaaga kamid ah
Marka aad isticmaashid Makeup had dhaaf ah, waad qurxoonaaneysaa soo jiidashana waad yeelaneysaa, balse dadka aadka u isticmaala wuxuu ka haleeyaa dharka iyo jirka intabadan.
Haweeney kasta waa qurxantahay haddii ay Makeup marsato ama aysan marsan marka niyadda ha iska jabin hadaadan Makeup marsan sababtoo ah waxad heysataa qurux dabiici ah oo allah (SWT) ku siiyay ama iska yareey Makeup-ka had dhaafka ah.
Intabadan ragga waxaa sira ama qalda Makeup-ka faraha badan.