LAYAABKA

Daawo Sawirrada: Nin iska jaray Sanka iyo Dhagaha si uu ugu ekaado Reer Aakhiraad

Wiil u dhashay dalka Colombia ayaa sabab layaab leh iskaga jaray sanka iyo dhagaha.

Kalaca Skull, oo magiciisa saxda ah uu yahay Eric Yeiner Hincapie Ramirez, ayaa falkaan ay dadka oo dhan si weyn ay ula yaabeen ku dhaqaaqay.

Si u gaaro ujeedkiisa Kalaca Skull ayaa qalliin maray kaasoo looga jaray sanka, Carabka iyo dhagaha.

Qalliinka lagu saneeyay Kalaca Skull ayaa ka dhigan inuu leeyahay qeyb yar oo sanka kamid ah halka qolfoofkii dhagaha laga jaray ama daboolkii.

Qalliinka ayaa sidoo kale Kalaca Skull waxaa looga jaray qeyb kamid ah madixiisa si uu ugu ekaado reer aakhiraad.

Carabkiisa ayaa sidoo kale laba qeyb loo kala qeybiyay isla markaana lagu xardhay qoraalka Tattoeska oo buluug biyo ah isagoo sidoo kale midabmaddoow ku xardhay meelaha u dhow indhihiisa.

Ilko dhaahdeer in xariiqmo madoow ayuu ku xardhay hareeraha afkiisa, waxana uu jartay timaha isagoo wax yar oo kuusan kor ku reebtay si ay u muuqdaan qoraalada uu qeyb kamid ah madaxa ku xardhaday.

Kalaca Skull ayaa mar walba rajeynayay inuu dantiisa gaaro si uu ugu ekaado reer aakhiraad waxana uu wajigiisa u muuqdaa qolfoof balse hooyadiis ayaa marnaba u ogolaan qorshahaan oo ka diidi jirtay.

22 jirka ayaa sheegay inuu bilaabay bedelidda wajigiisa kadib markii ay hooyadiis geeriyootay oo mar walba ka diidi jirtay.

Shabakadda lagu magacaabo Rio Noticias, ayuu u sheegay in bedelidda jirkiisa inuu yahay go’aankiisa shaqsi ahaaneyd isla markaana aanan lagula talin.

Related Articles

Check Also
Close
Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid