ARIMAHA BULSHADACAAFIMAADKANOLOSHA

5 Qaab oo dabiici ah oo lagula dagaalamo Shiirka Afka

Warka wanaagsan ee aan maanta idiin heyno ayaa waxa uu yahay in labaabi’in karo shiirk ama urka afka.

shiirka afka waa xaalad xun waxayna saameeysay 30%  dadka dunida ku nool.

Waxaad idiin heynaa qaabab macquul ah oo lagu baabi’in karo ama lagu yareyn karo.

Hoos ka aqriso:-

1.   Saliida Aloe Vera

Saliidda Aloe Vera waxaad u isticmaali kartaa afkaaga si ay ula dagaalanto jeermiska iyo shiirka afka, si fudud kululeey biyo yar waxaadna ku dartaa saliidda markii ay qaboowdo ama waxaad kale ood ku dari kartaa saliid lagu magacaabo peppermint.

2.    Biyo badan cab

Biyo badan cab kuna luq luqo biyo qaboow, tani waxay kaa caawineysaa in uu nadiif noqdo afka.

3.    Shaaha cagaaran

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shaaha cagaaran uu hoos u dhimo shiirka afka ama urka maadaama uu kahor tago jeermiska, tanina  waa qaab wanaagsan ood uga hortagi kartid ama aad iskaga daaweyn kartid shiirka afka.

4. Kuluq luqashada saliid qumbaha

Saliid qumbaha oo afka lagu qabto ku dhawaad 15 daqiiqo waxay bixineysaa jeermiska ku qarsan afka si aad u heshid neef wanaagsan ama shiirka afka uu meesha uga baxo isticmaal.

5. Sanjabiil

Sanjabiisha waxay leedahay faa’idooyin caafimaad oo farabadan iyadoo sidoo kale faa’ido badan uleh qurxinta jirka waxaa loo isticmaali karaa baabi’inta shiirka afka iyo nadiifinta carabka, jab yar oo sanjabiil ah ayaa ku dareysaa liin waxaadna afka ku qabaneysaa 15 daqiiqo si shiirka afka ay ubaabi’iso.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid