ARIMAHA BULSHADAXIRIIRKA IYO GUURKA

Geeraar ammaan ah oo aad u macaan

Dooqiyo jaceylkuba

Dadka wey wadaagaan

Damac iyo xishoodna

Dumar lagama waayo

Diintiyo qur’aankuna

Culimadu ma deyso

Anna doonistaadii

Kama daallin inanyahay

Inaan kuu dandaranahay

Adba waad dareentaye

Maad ila dadaashid?

Cowsha duurka joogtiyo

Dugaagiyo waraabahaan

Maalmahan la deris noqday

Waan daahayaayoon

Waan duulayaayoon

Adiga kuu duleysnahay

Degenaanshihii diidayoo

Cishqi kale igama degaayo

Ee hadaan leygu kaa dirin

Ama dooqu xumi gelin

Maxayna kala dareershay?

Waranka duxdiisiyo

Waxa adiga kuu daran

Anba kuguma daayeen

Ee maxaad iiga durugtay?

Sida wiirada duushoo

Geedaha dushooda

Marna aan ku degin baan

Nasashadii u diiday

muddo waan dulqaatay

Samir waan ku daallay

Dooddeenii maratay

Ruux inoo daneeyoo

Nabaddeenna doonoo

Cishqigeenna daryeelaan

Dunidaba ka waayee

Dib makuu helaayaa?

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid