ARIMAHA BULSHADALAYAABKAUncategorizedXIRIIRKA IYO GUURKA

DARAASAD: “Dadka isticmaala Taleefanka Iphone-ka oo dhanka jaceylka uga nasiib badan kuwa….”

Waxaan iska ognahay inuu xifaaltan ka dhexeeyo dadka isticmaala taleefanadda IPhone iyo Android kuwaas oo muranka u dhexeeyo uusan dhammaan haddii ay noqoto inay isku fanaan Kaamirooyinka taleefanada iyadoo sidoo kale naftaada ay jeceshahay taleefanadda markaas loo badanyahay.

Haddaba, mar kale iyo mar kale waxay u muuqataa in dadka isticmaala taleefanka ay Iphone-ka ay tartanka ku gacan sareeyaan.

Cilmi baaris laga sameeyay gudaha dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday 70 boqolkiiba dadka aanan guursan ama doobabka iay door bidayaan inay shukaansadaan qof heysto ama iskaleh taleefanka Iphone-ka marka lala bar bardhigo qof heysta taleefanka Androidka.

Inta ay daraasadu socotay 2 kamid ah 5 ta qof ee lawareystay ayaa sheegay in ey aaminsanyihiin in telefoonka uu qofka markaasi wato qofka ay la kulmeen xiligi ugu horeeyay ee shukaansiga uu saameyn ku yeeshay fekerka qofkaasi ey kaqabeen

Intaasi waxaa dheer in dadka isticmaala telefoonada Iphone ka ayy yihiin kuwo kaga wanaagsan xaga dareenka jaceylka kuwa dhigooda ah ee isticmaala telefoonka Android.

Inkabadan 1,500 oo ah dadka kaliga ah, Doobabka ama aanan guursan ee Mareykanka ayaa daraaseeyay.

65% dadka wata telefoonka Iphone-ka ee lawareystay inta daraasadu ay socotay ayaa sheegay ineysan wax culeys ah u arkin iney maalinta ugu horeysa ee haasaawaha ey waqti laqaataan qof wata telefoonka Android halka 53% dadka wata telefoonka Android-ka ee lawareystay inta daraasadu ay socotay ay iyagana sheegeen ineysan wax culeys ah u arkin iney maalinta ugu horeysa ee haasaawaha ay waqti laqaataan qof wata telefoonka Android.

Saddex meelood meel ragga ra’yigooda ka dhiibtay daraasadda ayaa qiray in taleefan shaashadda ka jaban  uu fashilinayo shukaansigooda ugu horeeya iyagoo ku macneeyay in qofka ay shukaansanayaan uu ufahmayo mid dhaqaale darro heysato.

Dhinaca kale haweenka ayaa dareen badan siinin ragga ay taleefanadooda shaashadda ka jabanyihiin iyagoo doorbida inay shukaansadaan rag wata taleefanno ka casrisan kuwooda.

Daraasadda waxaa sameysay Shirkad lagu magacaabo Decluttr oo ah shirkad macaamiisheeda ka caawisa inay iibiyaan waxyaabaha casriga ah ee aan loo baahneyn.

Xigasho: Independent UK

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid