LAYAABKA

Maxkamad gabar ku xukuntay in lagu dilo ceeji

Maxkamada Milimani ayaa in lagu dilo ceeji ku xukuntay gabar qaaday quruxda hablaha kenya.

Gabadha ayaa lagu eedeyay inay midi ku dishay wiil ay haasaawe wadaag ahaayeen sanadii 2015-kii.

Ruth Kamande ayaa laba sano ku xirneyd gaal shiraha Lang’ata.

Waxay ku caan baxday magaca Miss Langata iyadoo sanadii 2015-kii 25 mar midi ku dhufatay wiil xiriir jaceyl kala dhaxeeyay.

Wiilka ayaa ugu danbeyn uu u geeriyoodaay mididii ay la dhacday Ruth.

Gabadhaan ayaa Qiratay in ay dilka u geysatay wiilka. Waxay sheegtay wiilka inuu qabay caabuqa cudurka HIV AIDS iskuna dayay inuu kufsado kadibna ay midi ku dishay.

Garsooraha maxkamada Milimani ee magalada nairobi Jessie Lesiit ayaa ku xukuntay in Ms kamande ceeji lagu dilo.

Waxaa ay ku catowday in maxkamada ay cafiso balse garsoorka ayaa tilmaamay in uusan jirin xukun kale oo lagu badali karo in la ceejiyo.

eedeysanahan ayaa heysata laba todobaad si ay u codsato racfaan ay ka qaadato xukunkan

Balse su,aasha isweydiinta leh ayaa waxaa ay tahay in kenya aysan laheyn ruux ceeji ku dila dadka lagu xukumo in ay geysteen danbiyada dilka ku saleysan.

Ninkii ugu waqtiga dheeraa mudo badanna dadka ceejida ku dili jiray oo lagu magacabi jiray Kirugumi wa Wanjuki ayaa sanadii 2009-kii cudurka qabowga ama (koolba aaryada)ugu dhintay tuulo ku taal degaanka Aberdere ee bartamaha kenya.

Sharciga dalkaas ayaa waxaa uu dhigayaa in dadka ceeji lagu dilo waxaana lagu soo dhaqmayay xukunada ceynkan ah tan iyo markii ay kenya xornimada ka qaadatay Gumeystihii Ingariiska.

Kirugumi wa Wanjuki ayaa ceeji ku dilay laba sargaal oo ka tirsanaa ciidamada cirka oo lagu magacaabi Jiray Hezekiah Ochuka iyo Pancras Oteyo Okumu oo lagu eedeyay in ay afganbi rabeen sanadii 1982-dii madaxweyne Daniel Arap Moi.

Labadaas sargaal ayaa ugu danbeeyay kenya wax ceeji lagu dilo.

Sanadii 2016-kii madaxweynaha kenya uhur kenyatta ayaa saxiixay sharci ah in dadka lagu xukumay dilka in loogu badalo in ay xabsiga cimrigooda ay iskaga dhamestaan.

Waxaa xabsiyada kenya ku xiran 2,747 oo 92 ka mid ah ay dumar yihiin kuwaasi oo horay loogu xukumay dil toogasho balse waqtigooda ku dhameysan dooni xabsiga kadib sharciga uu saxiixay madaxweynaha Kenya.

Si kastaba ha ahaatee Garsoorka Maxkamada Milimani ayaa tilmaamay in Xukunkaan ay uga gol leeyihiin sidii loogu xakameyn lahaa muranada ku saleysan xiriirka Jaceyl oo ugu danbeyn keena in ay dumarka Toori wax ku dilaan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid